Director Imtiaz Ali ayaa soo bandhigay aragtida kowaad filimkiisa la wada sugaayo Love Aaj Kal 2 oo ay hogaamiyaal ka yihiin labada la isku xanto Kartik Aaryan iyo Sara Ali Khan waxaana filimkan la daawan doonaa 14 Feb 2020 waana filim jaceyl oo reer magaalka loogu tala galay is fahan wacana shaashada kusoo bandhigi doonaan labadan dhalinyarada ah.

Haddaba aragtida kowaad Love Aaj Kal 2 siweyn ayaa looga helay madaama Kartik iyo Sara u gaar tahay weliba jaceylka qiirada badan ayuu muuqaalkan sawir ka bixinayaa wuxuuna Director Imtiaz kaartada soo raacsiiyay qoraalkan “La kulan Meet & Veer oo idiin soo bandhigayaan sahlanaanta jaceylkooda waxay ku jiraan jawi jaceyl oo dagan inta harsana kaga bogo Love Aaj Kaal 2 marka masraxa la saaro 14 Febraayo maalinta jaceylka aduunka.”

Sidoo kale filimka Love Aaj Kal 2 waxaa doorar muhiim ah ku leh Randeep Hooda iyo gabadha fanka ku cusub Arushi Sharma waxaana isla maal galinayaan Dinesh Vijan iyo Imtiaz Ali ayadoo filimkan dhawaan goos gooskiisa xiisaha badan lasoo bandhigi doono.

Waxaa xusid mudan filimkan qaybtiisii kowaad Love Aaj Kal 11-sano ka hor inay wada sameeyeen Sara Ali Khan aabaheed Saif Ali Khan iyo Deepika Padukone wuxuuna noqday HIT weyn oo laga wada helay qaabka fariintiisa loo dhigay markaana Sara waxay dooneysaa qaybtan labaad in iyada iyo Kartik Aaryan HIT ka dhigaan laguma amaano waxaana leenahay nasiib wacan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here