Atooraha soo caan baxay ee Bollywood-ka ka dhex muuqdo Kartik Aaryan waxaa la sheegay inuu gacanta ku dhigay dib u sameynta filimka Ala Vaikunthapurramuloo ee bilawgii sanadkan All Time Blockbuster noqday sidoo kalena hogaamiye ka ahaa Stylish Star Allu Arjun waxaana dib loo sameenayaa asigoo Hindi ama Bollywood ah.

Filim soo saaraha lagu magacaabo Ashvin Varde oo horey u iibsaday filimka Arjun Reddy oo Telugu ahaa kadibna ka dhigay Kabir Singh oo Bollywood ah Blockbuster weyn noqday ayaa filimka Ala Vaikunthapurramuloo kusoo iibsaday xuquuqdiisa 8 Crore wuxuuna ka dhigi doonaa Bollywood ayadoo Kartik Aaryan uu heshiis la gaaray.

Sidoo kale Ashvin Varde oo soo iibsaday xuquuqda Ala Vaikunthapurramuloo wuxuu soo saarayaasha mashruucan qayb ka dhigay Allu Arjun si uu talooyin kala duwan kaga helo wuxuuna Allu Arjun soo dhaweeyay in filimkiisa dib u sameyntiisa hogaamiye looga dhigo Kartik Aaryan.

Qorshaha wuxuu u yahay dib u sameynta filimka Ala Vaikunthapurramuloo inay bilaabato marka xaalada caadi kusoo laabato wuxuuna Kartik Aaryan ku faraxsan yahay filimkan weyn ee bilawgii sanadkan hadal heynta Hindiya qabsaday inuu dib u sameeyo lana soo shirtago sanadka dambe 2021.

Kartik Aaryan filimkiisii ugu dambeeyay Love Aaj Kal wuu ka guul dareestay balse sanadkii hore filimada Luka Chuppi iyo Pati Patni Aur Woh ayaa Hit u noqdeen halka sanadkaana u diyaarsan yihiin filimada Bhool Bhualaiya 2, Dostana 2 iyo filim Action ah oo uu Director Om Raut u sameenayo kaasi oo horey Ajay Devgn filimkii Tanhaji ugu sameeyay.

1 COMMENT

  1. Aniga ahaanteeda kuma wanaagsana inuu kartik aryan loo dhiibo filimkaan sababtoo qaab actionka kuma soo baxaayo aktarkaan filimafa
    Romantika ayuu ku wanaagsan yahay
    Waa fikradeyda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here