Kartik Aryan waxuu noqday atoore laga daba dhacay shaqsi walbana jeclaaday kadib bandhigiisa isdaba xigaan ee uu shaashada ku muujinaayo waxuuna loolan adag ku hayaa Ayushmann Khurrana iyo Ragg kale.

Dhowaanahan waxaa soo bateen taageerayaasiisa waliba kuwa isaga soo booqdaan si ay sawiro Selfie ah ula galaan dhowaan ayeena ahed markaa idin la wadaagnay 3 gabdho waxbarashadooda 15 maalmood ka habsaameen Kartil aawgiis.

Gabar kale ayaa jilbaha dhulka u dhigatau xidigaan guurna ka dalbatay dadka hortooda halkaasna jecelkeeda ugu sheegatau waxayna ahef gabar 17 jir ah iskuulkeedana usoo goysay si ay ula kulanto atoorahan.

Hadaba maanta waxaa la arkay 2 wiil taageero weyn u ah Kartik oo kusugayeen goobta uu Gym-ka iyo jirdhiska u yimaadoo luuq ayee ugu gambadeen saxaafadana meesha wey joogeen isagoo gaarigiisa kasoo dagan rabo ayee halmar ku yaaceen.

Kartik kama uusan diidin inuu Selfie la galo balse waxuu ka xun yahay dhibka ay u marayaan taageerayaashiisa sawirka ay la galayaa isaga aawgiis hoos ka daawo sawirada laga soo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here