Kartik Aryan jilaa caan ah ayuu noqday oo taageero badan yeeshtay gabdho ayaana hada ugu badan taageerayaashiisa xidigaan dhalinta ah maalin walbana hadal heyn cusub ayuu abuuraa mida maanta ugu daran ayaa ah inuu sawir Selfie la wadaagay 3 gabdho taageero waali ah u ahaayeen.

EXCLUSIVE: Kartik Aaryan meets his ‘die hard fans’ who bunked college for 15 days & waited outside his home

15 maalmood ugu dambeysay guriga Kartik ee ku yaala Mumbai waxaa hortiisa soo imaan jireen seddex gabdhood waardiyaha guriga ayee weydiin jireen Kartik meesha uu jiro maalin walbana waxay waardiyaha ka codsan jireen in ay u sheegaan Kartik imaanshahooda iyo inee taageero weyn u yihiin.

Gabdhahan 15 maalmoos iskuulkooda ma aysan aadin oo guryahooda markee kasoo tagaan si toos ah ayee aqalka Kartik u imaan jireen halkaas ayee kusugi jireen jilaagan ilaa waqtiga iskuulkooda ka dhamaanayey kadibna xaafadooda ayee ku noqon jireen.

Jilaagan markii loo sheegay in 3 gabdho 15 maalmood xiriir ah gurgiisa hortiisa imaan jireen waxuu maanta go’aan ku gaaray inuu la kulmo banaanka ayuu kula kulmay waardiyihiisana waxuu ku amray inuu gabdhaha cabitaan qabow u keeno.

Kartik ayaa gabdhihii qaabilay sawiro badana la galay oo Selfie ah mid mid ayuu marka hore ula galay kadibna seddexdooda ayuu halmar la galay waxuuna jilaagan gabdhaha ku waaniyay in aysan mardambe waxbarashadooda ka habsaamin oo waxbarashada muhiim tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here