Kartik Aryan waxuu noqday atoore guusha usaaxiib ah markaan mashaariic xiiso leh ayuuna xidigaan saxiixanayaa waxuu hader xayeysiin u sameynayaa Filimkiisa Love Aaj Kal ee Sara Ali Khan la jileyso.

Waa Filim jaceyl oo la daawan doono 14 bishaan Febraayo si weyn ayaa loo sugayaa waxaa kaloo xusid mudan inee meel.u yaalaan oo uu saxiixday Filimada kala ah Bhool Bhulaiya 2 iyo Dostana 2 xidigaan ayaa qaanadiisa hader kusoo daraayo Filim kaloo horleh.

Waxuu mashruuc cusub u sameyn doonaa Director-ka Filimka Tanhaji ee Om Raut waxaana ognahay in Tanhaji Blockbuster noqday sido kalena macaash waali ah laga helay walina tiyaatarada saaran yahay.

Hadaba Filimkaan wali magac looma bixin sido kalena atiriishadiisa wali lama shaacin xitaa Kartik Aryan inuu atoore ka noqon doono wali laguma dhawaaqin oo waa hadal la isla dhexmaraayo kaliya balse Filim Action inuu yahay ayaa la sheegay goordhowna lasoo bandhigi doono xogtiisa dhameestiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here