Maal mahan saxaafada waxay ku mashquulsan yihiin Sara Ali Khan iyo Kartik Aryan xiriirkooda xan iyo xaqiiq inee wax uun ka qoraan ayee isku dayayaan waxayna sido kale baadi goob ugu jiraan sababta ka dambeysa inee kala tagaan lamaanahan.

Markii horeba xiriirkooda iyaga shaaca kama aysan qaadin hadana waxaa la sheegaya inee kala tageen waana arin muran xoog leh dhalisay markii warkaan soo baxay wixii ka dambeyay Kartik waxuu bilaaway inuu udhowaado dhanka atiriishada Ananya Panday oo ay isla sameyeen Filimka Pati Patni Aur Woh kaaso goos gooskiisa lasoo bandhigay.

Hadaba Kartik oo xayeysiin u sameynayaa ayaa lagu soo hadal qaaday sheekadan inee xaqiiq tahay oo isaga iyo Sara si rasmi ah ukala hareen halkii uu ka jawaabi lahaa saxaafadii ayuuba furka ku tuuray waxuuna yiri isagoo xanaaqsan.

“Waxaan idiin kala yaabay saxaafadiina xanta ayaad ka heshaan, hadii aan Ananya la qadeyo micnaheeda ma waxaa weeye xiriir ayaa inaga dhaxeya sheekada sidaas ma ahan labo qof hadaa 3 maalin isku aragtaan waxaa doontaan ha ufasirina.”

“Dhanka kale dhowaan waxaan xayeysiin la sameeyay mudane Amitabh Bachchan goobtana saxiix ayaan kaga qaatay misane Instagram-keyga ayaan soo dhigay walina ma arag qof wax iga weydiiyay oo sheeko kale ayaadba isaga mashuuleysaan.”

Kartik ayaa ka fogaaday inuu Sara Ali Khan magaceeda xitaa hadal qaado mana uusan ka hadlin xiriirkaas wax kusaabsan balse saxaafadii ayuu ku xanaaqay ayagoo yaaban ayeena ka kala dhaqaaqeen goobta ileen ninka indhaha ayuuba u shitay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here