Home » Nolosha Jilaayaasha » KASHIFAAD: 8 Atariisho Oo Caan Ah Kuwaasoo Galmo La Sameeyey Maalgeliye Dhanka Aflaanta Ah Si Ay Shaqo U Helaan Qeybta 2-aad (+Sawiro)

KASHIFAAD: 8 Atariisho Oo Caan Ah Kuwaasoo Galmo La Sameeyey Maalgeliye Dhanka Aflaanta Ah Si Ay Shaqo U Helaan Qeybta 2-aad (+Sawiro)

 

Shirkadda Bollywood Film Industry si sahal ah shaqo loogama helo, gaar ahaan atariishooyinku waddo adag ayey usoo maraan si ay shaqo uga helaan.

Warbixintaan waxaan kusoo qaadan doonaa 8 atariisho oo markii dambe caan ka noqday Bollywood – kuwaasoo si ay shaqo uga helaan shirkaddaan sariir la wadaagay ama galmo la sameeyey maalgeliyeyaasha aflaanta ama agaasimeyaasha aflaanta.

Waa qeybta labaad ee maqaalkaan oo aan kusoo qaadan doono liiska atariishooyinka dhibanaha u noqday maalgeliyeyaasha aflaanta Bollywood – kuwaasoo ku xujeeyey inay jirkooda shaqo ku bedeshaan, calashaan isii aan shaqo ku siiyee!


#5. PAYAL ROHTAGI

Atariishadaan caanka ah ayaa muran ka dhex kicisay Bollywood markii ay daaha ka qaaday inuu gacmo-gacmeyn jiray director Dibakar Banerjee. Si kastaba ha ahaatee, Banerjee iyo saaxibkiis Anurag Kashyap ayaa beeniyey eedeymahaan.

#6.TISCA CHOPRA

44 sanno jirtaan ayaa wareysi ay bixisay daaha uga qaaday inay jirkeeda bixisay si ay shaqo uga hesho Bollywood Town.

Waxaana ka dib lagu daray kooxda jilleysa filimkaas shuruudda lagula xiray. Waxayna sheegtay inuu heshiiskaasi ahaa mid qarsooni ah oo ay la gashay maalgeliyaha filimkaas. Magaca filimka iyo shaqsiga ma aysan sheegin.

#7 SHERLYN CHOPRA

33 sanno jirtaan ayaa qirtay inay sariir la wadaagtay dhowr maalgeliye oo u dhashay dalka India si ay shaqo u hesho maadaama ay u baahneyd inay lacag tabacdo.

#8. SUNNY LEONE

Xiddigtaan horay usoo sameysay aflaanta galmada ah, ayaa daaha ka qaaday inuu xiriir lasoo sameeyey maalgeliye caan ka ah Bollywood oo aysan magac dhabin, kaasoo sharad uga dhigay inay galmo la sameyso si uu filimkiisa uga daro – laakiin waa ay ka diiday dalabkaas.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *