Home » Nolosha Jilaayaasha » KASHIFAAD: 8 Atariisho Oo Caan Ah Kuwaasoo Galmo La Sameeyey Maalgeliye Dhanka Aflaanta Ah Si Ay Shaqo U Helaan (+Sawiro)

KASHIFAAD: 8 Atariisho Oo Caan Ah Kuwaasoo Galmo La Sameeyey Maalgeliye Dhanka Aflaanta Ah Si Ay Shaqo U Helaan (+Sawiro)

Shirkadda Bollywood Film Industry si sahal ah shaqo loogama helo, gaar ahaan atariishooyinku waddo adag ayey usoo maraan si ay shaqo uga helaan.

Warbixintaan waxaan kusoo qaadan doonaa 8 atariisho oo markii dambe caan ka noqday Bollywood – kuwaasoo si ay shaqo uga helaan shirkaddaan sariir la wadaagay ama galmo la sameeyey maalgeliyeyaasha aflaanta ama agaasimeyaasha aflaanta.

Waa qeybta koowaad ee maqaalkaan oo aan kusoo qaadan doono liiska atariishooyinka dhibanaha u noqday maalgeliyeyaasha aflaanta Bollywood – kuwaasoo ku xujeeyey inay jirkooda shaqo ku bedeshaan, calashaan isii aan shaqo ku siiyee!


#1. MAMATA KULKARNI

1990meeyadii waxaa u shidnaa shirkadda Bollywood, laakiin waxay u hadashay si furan waxayna ku eedeysay director Rajkumar Santoshi inuu si qaldan uga faa’iideystay maadaama uu gogol la wadaagay ka hor inta aysan Bollywood-ka soo gelin.

#2. KALKI KOECHLIN

Kalki ayaa si furan iyana u qiratay inay gogol la wadaagtay maalgeliye dhanka aflaanta ah si ay shaqo uga hesho Bollywood, laakiin waxay diiday inay magaciisa shaaciso. Kalki ayaa ka faa’iideysatay fursaddii ay heshay markaas ka dib, magac ayey ku sameysatay Bollywood ka dibna waa ay isaga baxday shirkaddaan.

#3. KANGANA RANAUT

Atariishada labada jeer ku guuleysatay billada National Award ayaa daaha ka qaaday in lagu qasbay inay jirkeeda bixiso si ay shaqo uga hesho Bollywood.

#4. PREETI JAIN

Preeti Jain ayaa ku eedeysay director Madhur Bhandarkar inuu ka faa’iideystay baahidii ay u qabtay inay shaqo ka hesho Bollywood, isagoo usoo bandhigay inay door ku yeelato filimkiisa, laakiin waxaa ku xirneyd shuruud ah inay gogol la wadaagto.


La soco qeybta labaad 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *