Jacaylka ma lahan da xadidan waana maadada kaliya ay dad caalamka ka wada siman marka ay timaado jaceyl dhab ah waxaa qofka ku adkaanayso inuu xasuusto da’da uu jiro shaqsi uu jecel yahay waxaana maanta ku hayaa 6 aktarka kuwaaaso guursadayn iyagoo sare u dhaafayn da’da 40 sano maadaama maankooda kaliya uu ku guuxayay jaceyl.

1. Amir Khan: waxa uu xaaskiisa kowaad Reena Dutta uu guursaday isagoo 21 sano jir ah waxaana ay isla noolaayeen muddo badan ka dib inta Amir Khan uusan jacayl waali u qaadin gabadha lagu magacaabo Kiran Rao kuwaaso is-guursadayn sanadkii 2005 xiligaaso Amir Khan uu jiray 40 sano waxaana labadan lamaane hadda u jooga wiil lagu magacaabo Azad Khan.

2. Saif Ali Khan: waa mid ka mid ah jilaayaasha ugu soo jiidashada badan gudaha bollywoodka isagoo aktarkan hore u guursaday atariishada Amrita Sigh taaso u dhashay Sara Ali Khan Iyo Ibraahim Ali Khan laakiin labadan lamaane waxa ay kala tagayn 2004 waxaana Saif Ali Khan uu xariir la sameeyay atariishada Kareena Kapoor inta ay socoray duubista filimka Tashan taaso ay is-guursadayn sanadkii 2012 xiligaaso Saif Ali Khan uu ahaa 42 sano jir.

3. Sanjay Dutt: muddo badan ayuu waysanaa qofkii ku haboona noloshiisa isagoo hore usoo maray labo guur ayaa isagoo 48 jir ah waxa uu guursaday gabadha lagu magacaabo Maanayata Dutt sanadkii 2008 waxaana labadan lamaane hadda ay ku nool yihiin nolol farxad leh waxaana u jooga labo caruur oo lagu kala magacaabo Iqra iyo Shahraan.

4. John Abraham aktarka muuqaalka qurux badan waxa uu niyada ka jabiyay boqolaal dumar ah ka dib markii uu guursaday gabadha lagu magacaabo Priya Runchal taaso ahayn shaqsi caan ah waxaana ay ka shaqeesa bank iyagoona is-guursadayn sanadkii 2014 waxaana John Abraham lagu xasuusta inuu hore xiriir jaceyl uu dhax-maray atariishada Bipasha Basu.

5. Preity Zinta atariishada Preity Zinta waxaa ay isku darsatay qurux iyo jiliin heer sare ah marka ay joogto shaashada filimka laakiin iyada waxa y ku daahday guurka maadaama ay guursatay ninka ganacsadaha ee lagu magacaabo Gene Goodenough sanadkii 2016 weliba iyadoo jirta 41 sano.

6. Pooja Batra waxaa liiskan ugu dambeeya atariishada lagu magacaabo Booja Batra taaso nagu qasabtay inan maqaalkan diyaarino waxaana atariishadan dhawaan ay guursatay aktarka lagu magacaabo Nawab Shah.

Atariishadan hore usoo noqotay Miss India International sanadkii 1993 ayaa waxaa ay 4 bishan july guursatay Nawab Shah weliba iyadoo 42 sano jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here