Magaca filimkan waa shayga ugu muhiimsan marka ay timaado ama lagu fikiro in filim la sameeyo maadaama samayntiisa ay aad u sarayso waxaanaa uu ka koobnaan karaa magacaa filimka hal eray ama labo ama inka badan.

Markan daawano aflaamta Bollyeoodka waxaan aragnaa aflaamo badan oo kala duwan kuwaaso isla sitaan hal magac sida filimka Akshay Kumar Sooryavanshi kaaso la daawan doona sanadka dambe waxaana filimkan magacaas kaga horeeyay filimka Sooryavanshi (1992) kaaso uu hore u sameeyay aktarka Salman Khan sidoo kale waxa jira aflaamo badan oo iski magac ah laakiin kala xiliyo ka duwan sida Hera Pheri (1976) Hera Pheri (2000), Dilwale (1994) Dilwale ( 2015), Dostana (1980) Dostana ( 2008), Shandaar (1990) Shaandaar (2015) iyo kuwa kale oo badan.

Laakiin maanta waxaan ku haya arrin midaas ka duwan kaaso ah 5 aktar kuwaaso labo filim kala duwan ku jilayn hal magac.

1. Deewaar ( 1975) – Deewaar ( 2004): Deewaar waxaa hore u sameeyay aktarka Amithab Bachachan sanadkii 1975 Haddaba isla Amithab Bachachan ayaa dib u sameeye mar kale filim lagu magacaabo Deewaar waxaana filimkas la daawaday sanadkii 2004.

2. Jhootha Kahin Ka (1979) – Jhootha Kahin Ka (1979) Jhootha Kahin Ka waa filim Classic ah kaaso uu hore u jilay Rishi Kapoor laakiin Rishi waxa uu mar kale hogaamiye ka noqday filimka isla magacaas sito kaaso la daawan doona sanadkan 2019.

3. Loha ( 1987) – Loha ( 1997) Loha ( 1987) waa filim caan ah kaaso laysugu keenay aktaro badan oo caan ah sida Dharmendra, Shatrughan Sinha, Karan Kapoor kuwaaso ku midoobayn inay la dagaalamaam laadarka awoodda badan ee Sher Singh (Amrish Puri) laakiin Dharmendra sanadkii 1997 waxa uu dib u sameeyay filim lagu Loha kaaso isaga laysugu keenay aktaro badan oo caan sida Dharmendra , Mithun , Mohan Joshi , Rami Raddy iyo kuwa kale oo badan.

4. Hathyar ( 1989) – Hathyar ( 2002) Sanjay Dutt ayaa sanadkii 1989 kaaso uu ku jiray bilowga waayihiisa jilaanimo waxa uu sameeyay filim lagu magacaabo Hathyar kaaso uu la hogaamimaayay aktarka Dharmendra iyadoo sanadkii 2002 Sanjay Dutt mar kale uu dib u sameeyay filim sito magaca Hathyar laakiin filimkan waxaa uu ahaa qaybta labaad filimkii Clasiicada ahaa ee Vaastav (1999).

5. Barsaat (1995) – Barsaat ( 2005) Barsaat ( 1995 ) waxaa lagu soo caan bixiyay aktarada kala ah Bobby Doel iyo Twinkle Khan iyagoo filimkaas ku helayn magac iyo maqaam weyn laakiin Bobby Doel 10 sano ka dib waxa uu dib u qaatay magaca Barsaat isagoo sameeyay filim lagu magacaabo Barsaat sanadkii 2005 kaaos ay la jilayn Priyanka Chopra iyo Bipasha Basu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here