Hrithik Roshan waa atoore Hindi ah kana tirsan Bollywood-ka wuxuuna ka mid yahay xidigaha ugu awooda badan fanka Hindiya aktarkan waxa uu leeyahay xirfad jiliin heer sare ah kaaso xitaa ay la cajabayn directorada hollywoodka laakiin hrithik ayaa iska diiday inuu ku hollywoodka ku biiro sida ay sameeyeen.

atariishooyinka kala ah Deepika Padukone iyo Priyanka Chopra hrithik waxaa loosoo bandhigay doorar caan ah oo aflaamta hollywoodka kaaso aktarkan ka dhigi lahayd mid awoodiisa ay ku fido caalamka haddaba aan eegno aflaamta hollywoodka uu hrithik roshan iska diiday

1. fast and furious 7 taxanahaan caanka ah waa mid looga bartay inay sameeyaan aktaro badan oo caan ah waxaana hogaamiye ka ah labada aktar ee kala ah Van Diesel iyo The Rock sidoo kale director James Wan ayaa doonaya inuu filimkan qaybtiisa 7 inuu kusoo daro aktarka hrithik roshan laakiin hrithik roshan xiiso kuma aysan haynin inuu sameeyo filim Hollywood ah kaaso markii dambe uu iska diiday samaynta filimkan

2. pink panther 2 taageerayaasha bollywoodka sida weyn ayay filimkan u xasuustaan sababtoo ah filimkan waa filimkii ugu horeeyay oo hollywood ah kaaso muuqatay atariishada aishwarya rai laakiin dad badan ma ogan in hrithik filimkan door caawiye looga soo bandhigay sida ay ogaatay majalada Toi

3. rambo dib u milicso rambo qaybtiisa ugu dambeeyay kaas la daawaday sanadkii 2008 kaaso sida caadada uu hogaamiye ka yahay aktarka Sylvester Stallone kaaso xiligaas waxa uu xariir fiican la lahaa aktarada ugu caansan gudaha bollywoodka.

sidoo kale waxa uu doonaayay inuu hrithik roshan filimkan ka siiyo door atoore caawiye kaaso leh saamayn laakiin hrithik xiligaas waxa uu isku arkay inuu leeyahay awood taaso uu ku fakiray inay waxyeelo soo gaari doonto haddii uu door caawiye ku jilo filim Hollywood ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here