hadii laga hadlo aktarada bollywoodka waxaa jira aktaro oo caan ah kuwaaso iska joojiyeen jilista aflaamta iyaggoo aflaamtan u joojiyeen marxalado kala duwan iyadoo qaar ka mid ah ay iska aroosayn halka qaarka kalena ay iska bilowday ganacsi kale waxaan maanta ku hayaa 5 atariisho caan kuwaaso sanadahan dambe la waayay iyagoo ku mashquulayn arrimo iyaga u gaar ah waxaana ay hadda doonayaan inay dib ugu soo laabtaan jilista si ay usoo ceshtaan taageerayaasha ay lahaan jirayn

Shilpa shetty

atariishadan filimkeeda ugu dambeeye ee ay kasoo muuqato waxa uu ahaa dostana kaaso la daawaday sanadkii 2007 shilpa ayaa hadda doonaysa inay dib ugu soo laabto jilista aflaamta

Namrata shirodkar

atariishadan ayaa aflaamta iska daysay ka dib markii uu guursaday suldaanka telugu ninka lagu magacaabo mahesh babu atariishadan waxa ay kasoo muuqatay dhawr aflaamood oo caan ah sida Pukar , Hero hindustani iyo aflaamo kale oo badan atariishadan ayaa dhamaan waxa ay dib ugu soo laaban doona jilista aflaamta iyadoo filim u qarash-gareen doono ninkeeda mahesh babu

Sushmita sen

tani waa boqorada quruxda bollywoodka iyadoo fanka bollywoodka ay ka maqnayd muddo 10 sano ah iyadoo hore u keentay dhawr aflaamood oo caan ah sida Main Hoon Na, Main Pyar Kyun Kiya iyo aflaamo kale oo badan

Karishma kapoor

Karishma kapoor xilli waxa ay ahayd boqorada boxx office ka laakiin karishma kapoor ayaa shaacisay inay dhawaan dib ugu soo laaban doonto bollywood maasamaa weli ay leedahay xirfadii jilitaan ay lahaan jirtay

Twinkle khan

atariishadan nasiibka badan xiligii ay fanka ku cusbayd waxa lasoo shaqaysay aktarada ugu caansanaa bollywoodka sida Amir khan, Shah rukh khan, Akshay kumar, Salman khan iyo aktaro kale oo badan iyadoo taageerayaasha ay si weyn u doonayaan inay dib u arkaan in Twinkle ay dib ugu soo laabto jilista aflaamta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here