Atariisha Katrina Kaif ayaa gabi ahaanba midaan dhici karin kasoo qaaday in iyada iyo Ranbir Kapoor markale dib u midoobaan misna isla shaqeeyaan.

Katrina iyo Ranbir oo mudo sanado ah isla socdeen misna xiriir jaceyl ka dhaxeeyay ayaa xiriirkoodii bur buray ayadoona haatan lagu wado in Ranbir Kapoor uu guursado gabadha dhalinta yar ee Alia Bhatt.

Hadana sidaas oo ay tahay saxaafada kama daasho in su’aalo weydiiyaan jilayaashaam waxayna su’aal noocaas ah weydiiyeen Katrina Kaif hadii uu jiro jaanis ay markale lamaanahaan hore ku midoobi karaan misna iskula shaqeyn karaan balse Katrina ayaa arinkaas meesha ka saartay gabi ahaanba in mar dambe nolosheeda fanka filim kala soo muuqato Ranbir Kapoor.

Sidoo kale Ranbir qudhiisa ayaa horay u muujiyay sida aysan suurto gal u aheyn in asiga iyo Katrina dib dambe filim ugu midoobaan kadib markii ay jilayaashaan horay xiriir usoo yeesheen ku kala hareen misna nolosha isku firaaqeeyeen.

Waxaa xusid mudan in Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif horay u jileen filimo ay kamid yihiin Ajab Prem Ki Gazab Kahani iyo Raajneeti wuxuuna filimkoodii ugu dambeeyay ay si wadajir u jilaan ahaa Jagga Jasoos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here