Atirishada awooda badan ee fanka Hindiya maqaam sare ka gaartay Katrina Kaif ayaa markaan tijaabin doonto sameynta film fariintiisa tahay shactiro iyo cabsi isku jirto (Horror Comedy) waxaana ku wehliyaan labada wiil ee dhalinyarada ah Siddhant Chaturvedi iyo Ishaan Khatter.

Filimkan aan magaca loo bixinin waxaa Director ka ah Gurmeet Singh halka shirkada Excel Entertainment ee Farhan Akhtar madax u yahar maal galineyso waxaana xusid mudan in Katrina Kaif hormuud ka tahay sidoo kalena labada wiil ee fanka sal dhiganayaan Siddhant Chaturvedi iyo Ishaan Khatter doorar adag ku leeyihiin.

Siddhant Chaturvedi waxaa lagu xasuustaa doorkii adkaa uu ka qaatay filimkii Gully Boy ee Ranveer Singh iyo Alia Bhatt hogaamiyaal ka ahaayeen halka Ishaan Khatter uu la dhashay Shahid Kapoor wuxuuna kusoo caan baxay filimkii Dhadak haatana wuxuu duubayaa labo filim oo kala ah Khaali Peeli oo uu la jilaayo Ananya Panday iyo filimka A Suitable Boy  oo uu Tabu la sameenayo.

Katrina Kaif waxay duubis ku bilaabi doontaa filimkan cabsida iyo shactirada isku jiro dhawaan marka ay soo idleyso duubista filimka weyn sooryavanshi oo ay la jileyso Akshay Kumar sidoo kalena Rohit Shetty Director ka yahay lana daawan doono 27 Maarso 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here