Quruxleyda Bollywoodka Katrina Kaif ayaa suaal cajiib ah la weydiiyay intee xayeysiin u sameyneysay Filimkeeda Sooryavanshi ee Akshay Kumar la jileyso waliba suaashan waxaa weydiiyay shactiroole Kapil Sharma xili goobta ay fadhiyeen Akshay Kumar iyo Rohit Shetty.

Kapil ayaa Katrina suaasha qaabkan u weydiiyay,”Katrina Filimo badan ayaa Akki la sameysay balse filimkii u dambeyay 2010 ayaa la sameyay (Tees Maar Khan) hadaha Sooryavanshi ayaa la sameeysay 2020 waana mudo 10 sano kadib hadaba maxay tahay sababta 10 sano ay kuugu qaadatay inaa dib ula shaqeyso Kumar.”

Akki ayaa fadhiga kakacay markii suaashas Katrina la weydiiyay waxuuna yiri,”haa inoo sheeg Katrina maxaa 10 sano dhan iila shaqeyn weysay maxaa kaa haleeyay bal sheeg” Katrina ayaa qosol iyo argagax iskudhex dartay wax ay ku jawaabto ayee garan weyday waxayna ugu dambeyn tiri,”Akshay mashquuk ayuu ahaa ana mashquul ayaan ahaa waqtiga ayaa nagakala geeyay mudadii 10 sano ee marwalba waan jeclahay inaan isaga la shaqeyo.”

Akshay ayaa goobta ka sheegay in Namaste London uu ahaa Filimkii ugu fiicna abid uu Katrina la sameeyo sido kale Katrina ayaa sheegtay in Akki si weyn usoo gacan qabtay bilawgii waayaheeda fanka hindiya abaal weyn ayaana kaga haya midaas ayee tiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here