Atiriishada caanka ah Katrina Kaif nolosheeda oo dhan waa mid la hago ama wado la tuso waliged fikirkeeda go’aan kuma qaadan fikirkeedana shaqo cusub ama wa cusub kuma bilaawan sida ay iyada ka dhawaajisay.

Marna waalideeda, marna saaxiibadeeda ayaa marwalba ka saaciidan nolosheeda waxay u baahato maadama ay fikir kudarsato iyagana kala taliyaan waxyaabihii ay markaas u baahantahay iyo go’aankee ku dhaqaaqi laheed.

Ranbir Kapoor oo nolosha Katrina Kaif qeyb ka ahaa sanado kahor waxuu xidigtaan baray waxyaabo badan oo ay horey u fahamsaneen macalinkeeda nolosha gaarka ah ayuuba noqday 2 maalin kahor wareysi Arbaaz Khan la yeeshtay Kaif ayee waxyaabo badan shaaca kaga qaaday.

Hadii aan soo qaadano 2 qodob kamid ah Katrina waxay sheegtay in Instagram-ka uu baray Ranbir Kapoor waxay tiri iyadoo hadleysa,”sida Instagram-ka loo isticmaalo qofkii ibaray waa Ranbir Kapoor dhankaas macalin weyn ayuu ku yahay xili hore ayaana bartay isticmaalka Instagram-ka balse aniga kasoo daahay inaan ciwaan caan ah sameeysto (Official Page).”

Dhanka kale waxay sheegtay in Ranbir baraha bulshada isticmalo balse ciwaan aan caan ahen uu ku isticmaalo waa ciwaan aan la aqoonsaneen dadka isaga saaxiibada dhow la ah mooyee iyadoo arinkaan shaacineysana waxay tiri.

“Dadka waxay u maleyaan in Ranbir baraha bulshada isticmaalin waa run in si rasmi ah ama ciwaan ah uusan sameysanin balse ciwaano kale oo aan caan ahen lana aqoonsaneen ayuu ku isticmaala waana nin wax badan ka og aaladaha la isticmaalo maanta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here