Home » Nolosha Jilaayaasha » Katrina Kaif oo ka walaacsan Aamir Khan sida uu garab u siinayo atirishada Fatima Sana Shaikh

Katrina Kaif oo ka walaacsan Aamir Khan sida uu garab u siinayo atirishada Fatima Sana Shaikh

 

Waxaan wada ognahay in duubista filimka weyn Thugs Of Hinduston meel xasaasi ah mareyso waxaana filimkaan wada jilayaan Amitabh Bachchan, Aamir Khan, Katrina Kaif iyo Fatima Sana Shaikh.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Katrina ay ka walaacsan tahay doorkeeda filimka Thugs Of Hinduston sidoo kalena ay cabsi ka muujineyso atirishada yar Fatima Sana Shaikh door weyn laga siiyo filimkaan.

Katrina waxay shaki ka qabtaa sida Aamir Khan garab u siinayo Fatima Sana Shaikh oo ah gabadhii filimka Dangal uu kusoo caan bixiyay.

Aamir Khan ayaa ka dambeeyay in Fatima Sana Shaikh lagu soo daro filimka Thugs Of Hinduston waxaana talo soo jeedintiisa aqbaleen Director Vijay Krishna Achcharya iyo soo saare Aditya Chopra.

Katrina ayaa ka walaacsan in Fatima Sana Shaikh ay muuqaal ahaan filimka Thugs Of Hinduston kaga badnaato sidoo kalena la siiyo door saameyn leh oo sababi karo in Katrina hadal heynta lagala wareego!

Katrina Kaif qof aad ugu dhow ayaa Bollywood Life u sheegay in xidigtaan ay ka walaacsan tahay xiriira dhow ee ka dhaxeeyo Aamir iyo Fatima Sana Shaikh taasina ay sababi karto filimka Thugs Hinduston doorkeeda laga saameyn bato.

Filimka weyn Thugs Of Hinduston waxaa la daawan doonaa Diwali 2018 oo ku beegan 7 November 2018 waana filim weyn oo lacago qaali ah lagu sameeyay si caalami ahna loo duubayo.