Katrina Kaif oo ku baaqday in dumarka loo sameeyo flimo miisaaniyad weyn xambaarsan isla markaasna ay ragga la tartami karaan maxayse ka tiri farqiga mushaarka waalida ee rag iyo dumar u dhaxeeyo.

0
816

Bollywoodka waxaa caado ah in inta badan filimada ay hogaamiyaan rag atoorayaal ah waana dhif iyo nadir inaad aragto filim atariishooyin hogaamiyayaal ka yihiin markii lala barbardhigo kuwa atoorayaasha hogaamiyaan.

Hadaba atariishada Katrina Kaif oo horay ula soo shaqeysay jilayaasha ugu waaweyn India sida Aamir Khan Amitabh Bachchan, Hrithik Rosha, Salman Khan Shahrukh kHna iyo Akshey Kumar ayaa markaan ku baaqday in dumarka la siiyo jaanis ay isku muujiyaan si ay ragga ula tartamaan.

Katrina oo wareysi siineysay barnaamijka We The Women ayaa sheegtay in sababta ragga uga horeeyaan dumarka ay tahay in masuuliyad kasta ragga la saaro waxayna Katrina sheegtay hadii dumarka filim hogaamiye looga dhigo tusaale labo atariisho hal filim lagu mideeyo sidoo kalana miisaaniyad weyn lagu sameeyo isla markaasna sheeko tayo leh loo dhiibo ay awoodaan in Box Officeka ragga kula tartamaan.

Katrina oo sidoo kale ka hadleysay farqiga lacagaha ay filimada ku sameeyaan atoorayaasha iyo atariishooyinka ayaa sheegtay in arinkaas sabab u tahay maadaama filimada atoore inta badan hogaamiye ka yahay balse hadii ay dhici laheyd in atariisho hogaamiye ka noqoto misna miisaaniyad adag lagu sameeyo xorna looga dhigo in ay arinkaas sii jiri laheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here