Xidigta caanka ah ee Bollywood-ka awooda ku leh Katrina Kaif inta badan waxba ma qarsato markaana waxay sheegtay inay ku dhiban tahay mararka qaar habka loo adeegsado aaladaha casriga ah marka ay xariir la sameeneyso bulshada ku xiran ama dadka shaqada kala dhaxeyso waxayna cadeesay inay xariifad ku ahayd adeegsiga wicitaanka dhanka muuqaalada ama xariirka bulshada Internet-ka lagu sameeyo.

Katrina waxay sheegtay madaama bilooyinkii ugu dambeesay guryaha lagu jiray inay dhib ku qabtay xariirka ay Internet-ka ku sameeneyso ayadoo sheegtay in macalimadeeda dhanka Gym-ka Yasmin Karachiwala xariir la sameen weesay madaama cashar si Online ah loo qaadanayo Katrina waxaa ku adkaaneesay inay Video Call sameyso ama Group Call sameyso madaama aysan xariif ku ahayn adeegsiga aaladaha casriga ah.

Katrina waxay sheegtay inay tahay qof jecel dadka xariir toos ah inay la sameyso balse dhib ku qabto markii la dhaho Online howl halagu qabto waxayna xidigtaan sheegtay inay ku faraxsan tahay in haatan banaanka loo soo baxay waxayna xidigtaan duubis ku bilaabeysaa filimka Super Hero awood badan ku jileyso ee uu soo saare ka yahay Alli Abbas Zafar waxaan lagu duubi doonaa magaalooyinka Mumbai iyo Dubai waxaana la daawan doonaa sanadka dambe lixdiisa bilood dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here