Home » Nolosha Jilaayaasha » Katrina Kaif Oo Xayeysiineysa Filmkeeda Tiger Zinda Hai Balse Funaanadeda Oraahda Kuqoran Ayaa Dadka Ka Yaabisay!!

Katrina Kaif Oo Xayeysiineysa Filmkeeda Tiger Zinda Hai Balse Funaanadeda Oraahda Kuqoran Ayaa Dadka Ka Yaabisay!!

Atirishada Katrina Kaif ayaa kuguda jirta xayeysiin usameynta filmkeeda dagaalka ah ee Tiger Zinda Hai kaaso la daawan doono bishaan.

Kat ayaa saxaafada soojiidatay iyo dadka kaleba kadib markii ay kasoo dhexmuuqatay magaalka dhexdisa ayadoo dahr madow wadata qaasata funaanadeda ayaa layaab noqotay.

Katrina ayaa la arkay funaanadeda oo ku qoran oraahda ah”Sikastee ahaataba iyada wey ku adkeysaneysaa” taasi oo lo fasirtay in Katrina dadaalka bartiisa kasii wadi doonto si kastoo guuldaro sanadadan dambe la kulantay.

Xidigtaan ayaa hoos udhac dhanka guusheda ah ku yimaaden sanadadi dambe xitaa filmkeedi Jagga Jasoos ee sanadkaan la daawaday wuu ka guuldarestay sidaa awged waxay u muuqata in Tiger Zinda Hai guusheda iyo awoodeda kusoo ceshan garto.

Filmkaan dagaalka iyo jaceylka isku dhexjira ah waxaa la daawan doon 22 bishaan Dec waxaana ka haray hal isbuuc maalmaha ayeena daawadayaasha tirinayaan hadeer.