Sidaan wada ognahay Atiriishada Katrina Kaif waa mid kamid ah atiriishoyinka dhanka labiska iyo quruxdaba aanan lagu gaarin ee ay Bollywoodka heystaan.

Xidigtaan soojiidashada badan ayaa saxaafada kucamirteen kadib marka ay weydiiyen halka ay qaabka Stylekaan marwalba ay latimaado qofka ay kaga dayato ileen qofba qof ayuu kudaydaa dhanwalbe.

Katrina ayadoon is waalin ayee jawaab cad siisay saxaafada ayadoona cadeysay qofka ay kufaanto dhanka Fashion-kana ay kaga dambeyso marwalbana ay kudayato.

“Beentiina ma ahan aniga qof ayaan iska dhig dhigaa oon kudaydaa hadba siduu qofkaas sameyo, xaqiiq ahaan aniga Fashion-ka waan jeclahay iyo labiska kala nooca ah waxaana leeyahay koox iiqaabilsan dhankaas.”

“Sidaa awged aniga hal qof ookaliya ayaan kudaydaa qofkaas ayaana dhanka Fashion-ka oga dambeya qofkaasna qofkale ma ahan waa Sonam Kapoor umana maleyo inuu kudhexjiro Bollywoodka qof ayada kaga wanaagsan dhanka Fashion-ka iyo quruxda labiska kala nooca ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here