Home » Nolosha Jilaayaasha » Katrina Kaif ” Xiriirka Aniga Iyo Salman khan Naga Dhaxeeya Aadbe U Adagtahay In La Fahmo”

Katrina Kaif ” Xiriirka Aniga Iyo Salman khan Naga Dhaxeeya Aadbe U Adagtahay In La Fahmo”

Mega Star Salman Khan Iyo Atariishada caanka ah ee Katrina Kaif waa shaqsiyaad aad iyo aad isugu dhow hadee ahaan laheyd dhanka shaqada ama dhanka nolosha caadiga ahba waa dad is fahamsan waqtigaan la joogo.

sidaan wada ognahayba Sallu iyo Katrina mar ayee nolosha xiriir weyn kusameysteen waxayna ahayen kuwa saaxiiba ah oo xiriir ka dhaxeya balse xiriirkaas ma noqon mid sii waara oo waa uu burburay mudo marku socday.

hadaba xidigahan mudo 5 sano kadib ayee shaashada ku midoowi doonan ayagoo soo wadaan filimkooda xiisaha badan ee aadka loo wada sugaayo Tiger Zinda Hai.

waxaan dhihi karnaa Filimkaan ayaa u sabab ah in xidigahan noloshoda hore soo ceshan karaan iyo waliba jaceylkooda hore Katrina oo wargeyska Mid-day la hadleysa ayaa si sarbeeb ah ushegtay in Sallu uu xiriir culus kala dhaxeeyo.

Kat oo hadleysa waxay tiri,”Xiriirka aan la wadaago ama inaga dhaxeya aniga iyo Salman waa mid ay adagtahay in la fahmo ama la sharxo waayo waa xiriir weyn oo inta aanan lagu soo koobi karin.”

” Aniga iyo Salman waxaan nahay dad saaxiiba ah kuwaaso qeybsada waxwalbo iskuna sheegi karna waxwalbo, xishmad aad u weyna waan isku heyna aniga iyo asiga ogowna saaxiibtanimada sheyga ugu muhiimsan waa xushmada.”

Salman iyo Katrina dhanka shaqada waxay dib ugu midoweyn taxanaha filimkooda Tiger kaaso qeybtiisa koowaad la daawaday sanadkii 2012 Blockbuster weyna noqday hadaba sanadkaan dhamaadkiisa waxaan ka sugnaaba waa qeybta labaad iyo Blockbuster kale inuu noqdo Tiger Zinda Hai.