Mega Star Salman Khan Iyo Atariishada caanka ah ee Katrina Kaif waa shaqsiyaad aad iyo aad isugu dhow hadee ahaan laheyd dhanka shaqada ama dhanka nolosha caadiga ahba waa dad is fahamsan waqtigaan la joogo.

sidaan wada ognahayba Sallu iyo Katrina mar ayee nolosha xiriir weyn kusameysteen waxayna ahayen kuwa saaxiiba ah oo xiriir ka dhaxeya balse xiriirkaas ma noqon mid sii waara oo waa uu burburay mudo marku socday.

Kat oo hadleysa waxay tiri,”Xiriirka aan la wadaago ama inaga dhaxeya aniga iyo Salman waa mid ay adagtahay in la fahmo ama la sharxo waayo waa xiriir weyn oo inta aanan lagu soo koobi karin.”

” Aniga iyo Salman waxaan nahay dad saaxiiba ah kuwaaso qeybsada waxwalbo iskuna sheegi karna waxwalbo, xishmad aad u weyna waan isku heyna aniga iyo asiga ogowna saaxiibtanimada sheyga ugu muhiimsan waa xushmada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here