“Kawaran Haddii Hal Habeen Xaasaska Aan Kaka Bedelano Xaaskeyga Ayaa Kuusoo Diraa Adna Midaada Iisoodir” Sidaa Akshay Kumar Ayaa Ku Yiri Bobby Deol !!

1
567

Superstar Akshay Kumar oo ah atoore doorwalba sameeyn kara waa jilaa dhanka dumarka laga mari waayey 90-maadkii ilaa bilawgii qarnigaan dadkana waxay u bixiyeen magaca “Shabeel-naagood.”

Oraahyaddii ugu caansanaayeen ee Akshay Kumar laga keydiyay dhanka shaxaarinimada waxaa kamid ah mida uu kuyiri filimka Ajnabe ee la daawaday sanadkii 2001 sido kalena Bobby Deol ay isla hogaamiyeen.

Mid kamid ah muuqaalada ay wada jilayaan Akki waxuu leeyahay oraahdan,” saaxiib kawaran hadii aan caawa kala bedelano xaasaskeena oo adiga mideyda ayaan kuusoo dira adna taada iisoodir.”

Bobby Deol markii hadalkaas lagu dhaho aad ayuu u xanaaqa ileen waa atooraha filimkee halka Akshay yahay laadarka filimka mudo dheer ayaa la wad waday oraahdan Akki dhahaayo waana midii ugu caansaneed filimkaan inkastoo oraahyo kale xiiso leh kujiraan.

Akshay Kumar waxuu ku qaatay Filimkaan abaal marinta qaaliga ah ee Filimfare qeybta laadirka ugu wanaagsan sanadkii 2001 maadama bandhigiisa mashruucan iyo sida uu u qiyaanaayo Bobby aad looga helay Kareena Kapoor iyo Bipasha Basu-na atiriishooyin ayee ka ahaayen darajo ahaana mashruucan waa Average ama Filim guulestay.

Akhriste oraahyada Filimka Ajnabe hal iyo labo waxaa ka xasuusato nala wadaag….

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here