Atirishada National Film Award ku guuleesatay sanadkan Keerthy Suresh kana tirsan fanka Telugu ee Tollywood loo yaqaano ayaa la xaqiijiyay in Superstar Rajinianth (Jeestoole) gabadhiisa ku matali doonto filimkiisa 168-aad oo haatan shaqadiisa bilaabatay dhanka ku dhawaaqista jilaayaasha.

Filimkan weyn waxaa Director ka ah Siruthai Siva oo sanadkan sameeyay mashruuca All Time Blockbuster-ka noqday Viswasam waana filim fariin ahaan miyi iyo magaalo ku saabsan wuxuuna leeyahay Action, xarakaad iyo dareen qiiro badan ayadoo Rajinikanth iyo Keerthy Suresh is fahan cajiib badan shaashada kusoo bandhigi doonaan filimkan Tamil-ka ah ama shirkada Kollywood iska leedahay.

Sidoo kale atirshada lagu magacaabo Kushbu Sundar ayaa filimkan ku matali doono Rajinikanth jaceylkiisa sidoo kalena atirishada kale lagu magacaabo Meena iyadana door adag ayaa laga siin doonaa waxaana la sheegay labada todobaad nagu soo fool leh in lasoo dhameestiri doono dhamaan jilaayaasha Rajini filimkiisa 168-aad kasoo muuqan doonaan waxaana la rabaa dhamaadka bishan December in laga hawl galo si sanadka dambe qaybihiisa dambe mashruucan loo daawado.

Superstar Rajinikanth maba nasto madaama malaayiin taageerayaal ah daafaha caalamka ku leeyahay waxaana haatan u diyaarsan u filimka Action-ka ah Darbar ee uu askari mayal adag ku jilaayo sidoo kalena ruug cadaa Suniel Shetty laadar ka yahay lana daawan doono 9 Janaayo 2020 weliba luqadaha Hindi, Tamil, Telugu iyo Malayalam ayaa lagu daawan doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here