Kenan İmirzalıoğlu oo ka hadlay micnaha aabanimada iyo sida uu dareemayo.

0
418

Jilaaga Kenan İmirzalıoğlu oo ay u dhaxdo atariishada Sinem Kobal ayaa dhawaan waxaa cunug loogu dhalay magaalada Stanbull.

Kenan markii uu aabo noqday kadib ayay saxaafada su’aalo la xiriira shucuurta aabonimo iyo siduu dareemayo wax ka weydiiyeen wuxuuna Kenan sheegay iney tahay wax aanan la sifeyn karin.

“Aabanimada ma ahan shucuur kaliya waxaan dareenaa waxay tahay markii aan aabo noqono” ayuu yiri Kenan.

Asigoo hadalkiisa sii wato wuxuu intaa raaciyay; “Hadii aan soo uruuriyo dhammaan erayada aan aqaano si aan u sifeeyo aabonimo waxay tahay uma maleynaayo inaan sifeyn karo waxa kaliya ee aan dhihi karo ayaa waxay tahay haatan aniga waxaan dareemayaa inaan ahay qof cusub oo haatan dhashay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here