Kevin owens iyo sami zayn oo shaqo usoo doontay Bandhiga RAW

Warbixintaan Waxaa Soo Diyaariyay Jabril Abdikadir Farah

Ka dib markii ay lumiyeen ciyaartii wrestlemania waxa uu sharuucda uu ahaa in hadii laga badiyo ay ka tagi doonan smack down live .

Ka dib waxay soo aadayn dhinaca Raw waxay ka codsadayn Kurt angle. Inuu boos u raadiyo laakiin kurt waxa uu u sheegay kaliya hal boos inay banaan tahay sidaas darteed ay ciyaarayn kii guuleystaa uu galo booska .

Markii ciyaarta bilaabanaysay qof kasta waxa uu doonayay inuu kan kale ka badiyo iyagoo u dagaalamaayay mustaqbalkooda waxaa ka dhacday ciyaar xiiso leh oo lagu riyaaqo.

Sami zayn waxaa uu Kevin ku dhuftay HelluvaKick laakiin kevin wuu ka kacay sidoo kae sami waxa uu ka kacay power pum oo Kaga yimid kevin.

Ciyaarta waxay ku dhamaatay bareejo oo labada xidig waxaa loo tiriyay tiro ilaa 10 Iyagoo dhulka yaalan wayna kasoo kici waayeen waxaa garsooraha go’aansaday inuu ciyaara ay tahay barbaro.

Weli maysan helin contract iyagoo usbuuca dambe ciyaar loogu celin doono.

W/D: Jabril Abdikadir Farah