Superstar Sanjay Dutt wajigiisa labaad ee kusoo laabashada Bollywood-ka farxad ma xambaarsano waxaan sidaas u leenahay tan iyo markii sanadii 2016 uu soo dhameestay xukunkiisii xabsiga 5-sano ahaa halyeegan uma suura galin in aflaantiisa dhanka Boxoffice-ka guuleestaan wuxuuna ku jiraa waqti adag.

Sanjay Dutt markii uu xabsiga kasoo baxay wuxuu sameeyay aflaan kala duwan sidoo kalena doorar kala duwan ayuu tijaabiyay balse dhamaantooda daadka ayaa qaadeen waxaana ka mid ah filimada ganacsi ahaan ka guul dareesteen Bhoomi, Saheb Bibi Aur Gangster 3, Kalank, Prasthannam iyo Panipat.

Bandhiga shaashada ee Dutt waa mid marwalbo aad u sareeyo laakiin nasiibka guusha aflaantiisa dhawaanahan isma haleelin arinkaas awgeed kuwa ganacsiga aflaanta ka faaloodaan waxay banaanka soo dhigeen in halyeegaan qasab ku tahay filimkiisa weyn KGF Chpater 2 u gadmo ama Blockbuster u noqdo si awoodiisa iyo sumcadiisa aysan usii lumin.

Filimka KGF Chapter 2 waxaa la daawan doonaa 23 October 2020 waxaana atoore kowaad ka ah Yash halka Sanju Baba laadar ka yahay waxaana lagu daawan doonaa in ka badan 5-luqadood ayadoo siweyn loogu kalsoon yahay sidii qaybtiisii kowaad oo kale Blockbuster taariikhi ah noqon doono culeeskana Sanjay isagana dajin doono marka la daawado mashruucan weyn dabyaaqada sanadkan.

Sanjay Dutt HIT-kiisa ugu dambeeyay ee uu door dhameestiran ku lahaa waa filimkii Agneepath ee 2012 la daawaday kaasi oo Hrithik Roshan hogaamiye ka ahaa isagana laadar awood badan ka ahaa sidaa darteed 8-sano kadib Baba of Bollywood wuxuu rabaa HIT weyn inuu ku helo filimka KGF Chapter 2 oo uu laadar awood badan ku jilaayo siweyna ugu xifaaltami doonaan Rocking Star Yash.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here