Hercai waa taxanaha ugu caansan ama ugu xiisaha iyo xamaasada badan waqtigaan guud ahaan taxanayaasha Turkiga ah waxaana qortay sheekada taxanahan gabar 24 jir ah mudo 3 sano kahor.

Hadaba kooxda taxanahan sameyeen wey dadaaleen waxayna mudan yihiin ammaan iyo abaal marino kala duwan balse waa bini’aadan oo khalad kadhici karo waxaana la daba galay taxanahan iyo inta khalad ee kujiraan oo lasoo saaray.

Waxaana halkaan idiin kugusoo gudbineenaa qeybta kowaad ama khaladka kowaad ee taxanaha Hercai kujiro si qeyb qeyb ah ayaan idiin kuguso bandhigi doonaa khaladaadka laga helay Hercai oo dad badan aysan fahamsaneen sidaasna isaga daawadaan.

Khaladka Kowaad: Oday Jihaan waa aabaha dhalay Yaariin iyo Azaad sida uu taxanaha kujilaayo hadaba jilaagan magaciisa dhabta ah waa Serder Ozer waxuuna dhashtay 21 Janaayo 1980 taasi oo kadhigan inuu hader yahay 39 jir walibana 40-kiisa sano hal bil ayaa kadhiman.

Dhanka kale wiilka uu aabaha ugu jilaayo taxanahan ee Azaad magaciisa dhabta ah waa Ahmet Sandu waxuuna dhashtay 31 May 1984 haderna waxuu jiraa 35 sano cimri ah sidaa aawged labadan jilaa farqiga da’dooda rasmiga udhaxeyso waa 4 sano macquulna ma ahan qof 4 sano kaa weyn inuu kudhali karo da’ahaan.

Balse waa macquul inuu aabo shaashada kuugu jili karo ileen waxani waa Filim qof walba doorka uu jilaayo inuh isku ekeysiiyo ayaa qasab ah sidaa aawged kooxda filimka sameyneyso waxaa kufiicned in qof da’ahaan dhali karo Azaad ay aabo oga dhigaan sida oday Nasuh oo da’ahaan dhali karo Azaad maadama uu 66 jir yahay.

Sikastee ahaataba dadka badankooda ma dareemin meeshaas khaladka kujiro waana khalad kamid ah waxyaabaha Hercai laga dhex helay hase ahaate maadama daawadayaasha badankooda dareemin waxaa ku ammaanan arinkaa kooxda Hercai oo ku dadaaleen arinkaa si aan loo fahmin inta badan.

Lasoco khaladka Labaad ee Hercai kujiro dadka badankoodana fahamsaneen…

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here