1- Wiil ayaa jiro ama gabar iska dhaadhicinayaan in lagu mashquulo xili walba waxay u maleyaan 24 saac in qof daba taaganyahay oo wax xun uun ka sheega.

Walal majiro qof shaqo la’aan ah oo cidkale marwalba ku mashquuli karto ugu badnaan daqiiqado yar in laga fikiro qof kaa xun waa macquul balse qof waqtigiisa oodhan kusiinaayo majiro.

2-Gabadha qalbigeeda waxaa ka guuxaya heblaayo wey ka qurxantahay waligaana ma gaari doontid. Abuurkaada khalad kuma lihid walaashey balse waa khalad weyn hadaa nolosha hormar ka gaari weyso hadee kaa qurxantahay adna ka cilmi badnaaw.

3-Wiilbaa iska dhaadhicinaayo in saaxiibkiis ka aftahansan yahay misane shukaansiga gabdhaha ku dheeraya gabdhahana gacanta kula kaftama halka isaga dabaal inuu yahay iska dhaadhicinaayo. Walalkey haduu kaa hadal badan yahay ka akhlaakh wanaagsanaw adigana ileen isaga dabeecadaas xun cida ku jecel waa kuwa aan akhlaakh leheen.

4-Waxay ku fikirayaan in Post ay soo dhigaan baraha bulshada kaaso xikmadooda, fikirkooda iyo cilmigooda kaga hadli lahaayeen. Hadana waxay iska dhaadhiciyaan in Post-gaas qofna akhrisan doonin oo Like iyo Comments laga bixin doonin way is liidaan isla markaasna qalbigooda waxaa kuso dhaca hebel ama heblaayo sida Post-yadooda looga falceliyo markaase iska dhaafaan Post-gii ay soo dhigi lahaayen.

Waxay u maleyaan dadkaba in fikirkooda rabin dad aan waxba ahen ayee isku maleyaan walaalayaan niyad jabkaas iyo cudurkaas nafsaaniga ah iska saar. Sideen isaga saarnaa hadii midkeen cudurkaas hayo qormadada xigta kaga bogo daawo loo isticmaalo..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here