Filim sameeye Ashutosh Gowariker laguma gaaro diyaarinta aflaanta tayada wanaagsan waxaana waligiis lagu xasuusan doonaa filimada Classic ah sida Lagaan, Swades iyo Jodha Akbar oo bilado badan caalami ah lagu qaatay haatana wuxuu sameeyay shirkada filimada maal galiso ee lagu magacaabo Ashutosh Gowariker Productions waxaana madax ka ah xaaskiisa Sunita Gowariker.

Haatan filim sameeyahan wuxuu la saxiixday atirishada soo caan baxday Kiara Advani si ay hogaamiye kaga noqoto filimkiisa xiga ee shirkadiisa maal galineyso oo looga hadlaayo awood siinta dumarka iyo sheekooyinka ay wax ka qabteen hay’ada maxaliga ah ee lagu magacaabo Lijjat Papads.

Kiara Advani waxay filimkan ku matali doontaa sheeko dhab ah oo ka hadleyso haweeneey guri joogto ah oo ganacsi yar bilaabeyso ilaa ganacsigeeda heer sare ka gaarayo waxaana la shaqeenayaan oo garab siinayaan lix haweeneey oo guri joogto ah waxayna garab siinayaan kumanaan hooyooyin ah oo guri joogtooyin ah kuwaas oo shaqo heesanin baahiyo gaar ahna qabaan.

Filimkan Ashutosh Gowariker soo saare kaliya ayuu ka yahay waxaa agaasimi doono ama Director ka noqonaayaan labada lagu magacaabo Glenn Baretto iyo Ankush Mohla oo horey Ashutosh Gowariker kaga caawiyeen mashaariic kala duwan uu sameeyay waxaana lagu wadaa mashruucan in duubis lagu bilaabo horaanta sanadka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here