Atiriishada Kiara Advani sare ayee uso kacday waxayna noqotay sanadkaan atiriisho hadal heynteeda wadato filimkeeda Kabir Singh ayee hadal heyn weyn kudhalisay.

Hader filimkeeda xiga waa Good Newws oo dhamaadka bishaan December la daawan doono waxaana la jilayaan Akshay Kumar, Kareena Kapoor iy Diljit Dosanjh sido kale xidigtaan muuqaal soo jiidasho leh ayee lasoo baxday.

Kiara ayaa shaaca ka qaaday atoorayaasha ay u kulushahay ama aad u xiiseyneyso waqtigaan inee shaashada la wadaagto balse liiska xidigaha ay magacaawday kuma jiraan seddexda Khans (Shah Rukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan).

THESE superstars are on Kiara Advani's wishlist

Atiriishooyinka badankooda ayaa ku riyoodaan inee mar uun shaashada kala so muuqdaan seddexdaas atoore xili Kiara atoorayaal kale magacaawday waxay tiri iyadoo ka jawaabeysa suaashas xili Good Newws ay xayeysiin u sameyneysay.

“Atoorayaasha aan hader xiisaha weyn u qabo inaan la shaqeyo waxay kala yihiin Ranver Singh, Ranbir Kapoor iyo Varun Dhawan xitaa waxaan aad u xiiseynayaa Mudane Bachchan (Amitabh Bachchan).”

Kiara waxay horey ula shaqeysay Shahid Kapoor, Akshay Kumar iyo Sushant Singh Rajput waxaase liiska ay magacaawday ka maqan seddexda Khans, Ajay Devgn, Tiger Shroff iyo Hrithik Roshan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here