Kiara Advani waxay noqotay atiriisho soo talaabsatay bandhigeeda Filimka Kabir Singh waxaa uxigay dhiiranaantii Good Newwz tani waxay ka dhigantahay xidigtaan inee meel sare hamineyso.

Kiara doorkeeda Filimka Kabir Singh aad ba loo dhaliilay waliba haweenka waxay ku tilmaameen door daciif ah oo bahdil ka muuqdo sida ay shaashada ugu jishay gabar miskiin ah balse sida ay kaga baxsatay waa lagu ammaanay daawadayaal badan ayaana ku jeclaadeen. Hoos kaga bogo Kiara oo suaalo xiiso leh ka jawaabtay kadib wareyso ay ka qaadeen shabakada Filimfare:

Waa kee Filimka mustaqbaalkaada fanka hindiya wax ka bedelay sido kalena aad ku faanto waqtigaan?

Kiara: Lust Stories waa la igu ammaanay oo Filimsameyaal badan ayaa isoo raadsadeen balse Kabir Singh wuxuu i jecleesiiyay daawadayaasha jaceyl badan ayaana ka helay dhankooda.

Waa kee atooraha aad u dhimaneyso inaad mar uun la shaqeyso?

Kiara: waa Ranver Singh sababto ah gabar walba dunida kunool fanka hindiyana wax ka taqaano hal daqiiqo xitaa inee Ranver waqti la qaadato wey ku riyootaa waa atoore loo xiiso aadba u jeclaan lahaa inaan la shaqeyo.

Atiriishada aad ku dayato in badan qaab jiliin ahaan iyo dhanwalba waa tee ee Bollywoodka katirsan?

Kiara: waa Alia Bhatt iyo Deepika Padukone waana macalimiinteyda shaashada waana ka helaa shaqadooda quruxda badan.

Majiraa jilaa talladii ugu fiicned aad ka heshay misane aadan ilaawin marwalbana xasuusato taladiisa qurxoon?

Kiara: Haa, Salman Khan hada kahor waxuu idhahay”shaqada adag miro dhal weyn ayee leedahay shaqadaada ha hadasho waadna arki doontaa miro dhalkeeda” waligey ma ilaawi doono hadalkiisa waa waanno iyo tallo wax badan iga anfacday.

Majiraa Filim aad ku riyooto inuu kuu sameeyo mid kamid ah Filimsameyaasha Bollywoodka?

Kiara: Haa, Sanjay Leela Bhansali Filim uu iska leeyahay inaan atiriisho kowaad ka noqdo ayaa ku riyooda anigo waliba atiriisho u ah Ranver Singh.

Filim 5-jeer ka badan aad daawatay majiraa?

Kiara: waa Kabhi Khushi Kabhie Gham.

Imisa jeer ayaa muraayada isku eegtaa maalinkii inta aadan guriga ka bixin?

Kiara: gaarigeyga xitaa muraayad ayuu leeyahay aniga iyo muraayad makala harno inta guriga joogo ma xisaabiyo intaa gaariga sii saaranahayna haba sheegin waa sheyga aan ugu isticmaal badanahay 24-saac kasta.

Ammaanta aad ka hesho maxaa kamid ah?

Kiara: markii qof aan ka heybeysto i amaano ayaa ka helaa sida inuu idhaho Kiara waad qurxantahay ama Kiara Gym-ka wad ha joojin waad nuureysa anigana intaan is cajabiyo ayaa maalintas waxaa macquul ah labo jeer inaa aado Gym.

Waa kuma atooraha aad iska dhex aragtay?

Kiara: Hrithik Roshan waaye tan iyo markuu Kaho Na Pyaar Hai sameeyay waxaan u noqday taageero waali ah gabar walbana wey ku riyootaa.

Majirtaa Naanees in laguugu yeero aad necebtahay?

Kiara: dadka qaar ayaa idhahaan Kaayra bedelkii Kiara ay idhihi lahaayen xoogaa waan dhibsadaa dhawaqaas.

Hadder xiriir jaceyl miyaa leedahay mise nolosha kalli ayaa kutahay?

Kiara: maya xiriir malihi.

Markii ugu horeysay wiil aad jeclaatay goorme ahed?

Kiara: gabdhaha badanaa xiliga iskuulka ayuu jaceylkooda kowaad kudhacaa ana sido kale waliba isaga dartiis safar ayaa usoo galay anoo gabdho saaxiibaday soowatay iyo wiil ina adeerkey ah waa taariikh aan ilaawi karin safarkii tariinka iyo kulankii lama filaanka aan oga dhigay.

Saaxiibkaa waligaa ma shumisay (shumiska bishimaha)

Kiara: Haddii 2-sano kahor suaashan iweydiin laheed maya ayaa kudhihi lahaa laakiin hada haa ayaan ku leeyahay (kadibna wey qososhay).

Dunida intee ugu jeceshahay inaad u dalxiis tagto?

Kiara: New York ayaa ka helaa waliba xeybaha ma ahi dadka buuraha dalxiis u aado aniga badda iyo xeybaha ayaa ka helaa.

Haddii laguu soo bandhigi inaad Filim kujisho dharka dabaasha ee kastuumaha iyo rajabeetada kaliya ah ma aqbali laheed?

Kiara: qarniga 21 ayaa kujirnaa xeebta qofna suud ku imanaayo caalamka maanta qof walba dharka dabaasha ee jirka intiisa badan qaawanyahay ayuu ku imaada anigana shaqadeyda si aan oga dhabeeyo waan ogolaan lahaa dalabkaas.

Riyo soo jireen ah oo inee kuu rumowdo jeclaan laheed?

Kiara: Rajkumar Hirani Filimu leeyahay inaan sameeyo riyo iiga weyn dhanka shaqada majirto.

Maxaa ninka fiican ku qiimeysa bal qeexid yae usameey?

Kiara: waa inuu daacad yahay sido kale iga qosolsiin karo anigana kaftankeyga ku qoslaayo nin nafta qancin kara, nin naxariis badan, nolosha waa inuu iiga aqoon badan yahay karti iyo ad adkaan leh intaas ayaa ku dooran lahaa kama helo wiilasha aamusnaanta badan, kama helo kuwa xanaaqa badan kuwa nolosha ina adiga tusto kaa sugayaan oo aad adiga kaga cilmi badan tahay nolosha waa inuu noqdaa ninka qof bashaash ah dadka dhana la saaxiib ah ina tusi karo nolosha waxay tahay.

Majiraan howlo aad sameysag uu ku farxad galiyeen miro dhalkoodana aad goordhow sugeyso?

Kiara: waxaa 2020 la daawan doonaa Filimadeyda kala ah Guilty, Laxmmi Bomb, Indu Ki Jawaani, Bhool Bhulaiyaa 2 iyo Shehershaah waana ku faraxsanahay shaqada adag aan qabtay.

Dhamaad ..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here