Deepashikha Nagpal waa mid ka mid ah atariishooyinka ugu caansan xiligii 90s kuwaaso samayn jirayn door caawiye iyadoo lagu xasuusto aflaamo badan sida Rishta , Badshah iyo kuwa kale oo badan

Deepashikha ayaa dhawaan iyadoo bixinaysa wareysi ayaa waxa ay ka sheekaysay dhacdo hadda ka hor ay isaga diiday codsi uga yimid filim sameeyaha caanka ah ee Rakesh Roshan iyadop ka diiday samanyta door ka mid ah doorarka filimkiisa Karan Arjun sanadkii 1995

iyadoo atariishadan arrintan ka hadlaysaa ayaa waxa ay tiri ” markan aan dhameeyay waxaa isoo wacay mudane Rakesh Roshan isagoo doonayay inan u sameeyo doorka Mamta ee filimkii Karan Arjun

laakiin aniga waan ka diiday sababtoo xiligaas xiiso iguma aysan haynin inan atariisho noqdo sidoo kale waxaan doorkaas isaga diiday codsi iga yimaaday walaasheeda taaso aaminsanayd hadan aniga iska diido doorkan inay iyada calfan doonto laakiin wax walba si kale ayay u dhacayn

ka dib muddo labo sano ah Mudane Rakesh Roshan¬† wuxuu mar kale isoo bandhigay inan qayb ka noqdo filimkiisa Koyla aniga marna ma diidi karin codsigiisa maadamaa xiligaas aan u baahna shaqo isagoo filimkaas uu iga siiyay door wacan “

Deepashikha hadda weli fanka baaqi ay ku tahay iyadoo mararka qaar waxa ay kasoo muuqata aflaamta bollywoodka laakiin dhawaanahan waxa ay u badan tahay dhanka iyo musalsalada laga daawado Tv-Yada iyadoo hadda duubis ku wado musalsalka lagu magacaabo Main Bhi Ardhangini

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here