Filim soo saaraha caanka ah Sajid Nadiadwala ayaa laga soo xigtay in filimkiisa weyn Kick ee sanadii 2014 Blockbuster-ka noqday sidoo kalena Megastar Salman Khan hogaamiye ka ahaa uu diyaariyay sheekada qaybta labaad filimkan loona bixiyay Kick 2 sidoo kalena mashruucan duubistiisa waxay bilaaban doontaa bartamaha sanadka dambe.

Salman Khan dhawaan 20-ka bishan waxaa tiyaatarada loo saaraa Dabangg 3 kadibna Eid 2020 wuxuu la imaan doonaa Radhe sidaa darteed Sajid Nadiadwala iyo Salman waxay isku raaceen in Kick 2 la daawado Eid 2021 madaama mashruucan qaybtiisii kowaad Eid 2014 la daawaday waxay u arkaan taxanaha Kick daawashadiisa Ciidul Fitriga marwalbo ku haboon tahay.

Haddaba waxaa la sheegay in Sajid Nadiadwala oo Kick 2 Director iyo soo saare ka ah uu Salman Khan la wadaagay magacyada sedex atirisho waxayna kala yihiin Jacqueline Fernandez, Pooja Hegde iyo Kriti Sanon waxaana laga sugaa Sallu inuu doorto hal atirisho oo Kick 2 la sameyso inkastoo Jacqueline horey u sheegtay inay taxanahan qayb ka tahay waxaa loo badinaa in atirisho labaad lagu soo dari doono oo Pooja Hedge iyo Kriti Sanon midkood Sallu dooran doono.

Sajid Nadiadwala ayaa sheegay in Kick 2 sheekadiisa si taxadir ku dheehan loo diyaariyay sidoo kalena uu ku kalsoon yahay in daawadayaasha siweyn kaga heli doonaan sheekada uu diyaariyay sidoo kalena Salman Khan uu ka helay qaabka uu fariinta u dhigay waxaana la rajeynaa mashruucan weyn in bartamaha sanadka dambe duubistiisa la bilaabi doono balse horaanta sanadka cusub ayaa lasoo dhameestiri doonaa dhamaan jilaayaasha Salman la sameyn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here