Wararkii udambeyeen ee kusaabsan jilaaga caanka ah Sushant Singh Rajput hoos kaga bogo iyo kiis kiisa halka uu maraayo maxaa soo kordhay maxaase is bedelay yaa la xiray yaa lasii daayey maxkamada maxay go’aamisay arimahaas oodhan:

1-Atiriishada Rakhi Swant lagu magacaabo ayaa muuqaal iskasoo duubtay baraha bulshadana soo dhigtay xili ay ka tacsiyooneysay geerida jilaaga Sushant Singh balse arinka waalida ah ee ay ku hadashay ayaa ah waxay tiri waan riyooday waxaan ku riyooday Sushant oo dunida kusoo noqonaayo balse isagoo wiilkeyga ah ayuu imaana ayee tiri yacni wiilka aan dhali doono Sushant oo inta taagan ayuu noqonaa marka mar labaad ayee dunida heli doontaa ayee leedahay Sushant hadalkeeda dad badan ayaa waali ku tilmaaneen inkastoo hinduga qaar soo dhaweyeen.

2-Karan Johar ayaa qorsheynayaa inuu joojiyo sanadkaan gabi ahaanba barnaamijkiisa Koffe With Karan Season 7 maadama buuq badan jiro sanadka dambe inuu u dib dhigo ayaana macquul ah.

3-Salman Khan, Karan Johar iyo Alia Bhatt waxaa filimadadooda laga mamnuucay in laga daawado gobolka Bihar hadii xal lahelin kahor inta aan tiyaatarada la furin marnaba filimadooda lama saari doono gobolkaas hader waxaa cabsi jirto in gobolada kale iyagana go’aankaas soo saaraan oo ay filimada seddexdan xidig iska mamnuucaan balse dadka sida weyn u careysa waa reer Bihar oo qasab ay tahay in xal loo helo arinkaas waayo Salman, Alia iyo Karan kama maarmaan ganacsiga filimadooda ka sameeyn jireen gobolkaas.

4-Maanta waxay ahed 24-june waana maalintii lagu balansanaa in la furo kiiska Sushant ee maxkamada gobolka Bihar ilaa hads wax war ah kama soo bixin dhankaas in la furay kiiska, inuu baaqday iyo wixii war ah waa la sugoyaa.

5-Sonu Nigham ayaa dagaalka dhankiisa kasoo galay jilayaal Salman u horeeyo ayuu weerar dadban ku qaaday waxuuna leeyahay is qaraabeysiga iyo musuq-maasuqa Bollywoodka qeybta Music-da xitaa waa kajiraa waxuuna sheegay in la xaqiray oo sanado badan la iska ilaaway shaqona la siin waayey dad uu ka xirfad fiicanyahay isagana maalin walba isqaraabeysi lagu keeno dad badan ayaana sanado badan is weydiin jireen halka uu ka baxay fanaankan codka macaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here