Ugu dambeyn aabaha dhalay Sushant ayaa soo dacweeyay gabadhii Sushant guursan lahaa ee Rhea Chakraborty kadib dacwadaas kiiskan ayaa waji kale yeeshtay booliska Bihar ayaana wacad ku mareen inee soo saari doonaa wax walbo cadeyn ah Mumbai ayeena imaadeen iyagoo kiiska hada iyo kow soo bilaaweyn.

Hadaba booliska Bihar oo Mumbai kusugan ayaa u arkeen in cilaaqaad ama wax yar uu ka dhaxeeyo geerida Sushant iyo geerida gabadhii gacan-yaraha u ahaan jirtay Disha Salian waxayna go’aansadeen inee baaraan kiiska gabadhaan bal inee wax cadeyn oo kiiska Sushanta ah ka helaan.

Sidaa aawged waxay codsadeen labtop-ka xogta Disha Salian kujireen oo booliska Mumabi hayeen balse reer Mumbai booliskooda wey diideen inee dhiibaan xogta gabadhaas waxayna dhaheen wey naga luntay oo naga tir-tirantay sido kale wax walba oo File ama waraaaqo ah oo booliska Mumbai dalbadaan waxaa ka hor istaagayaan booliska Mumbai.

Booliska Bihar ayaa saxaafada iyo madaxda sare kaga dacwoodeen booliska Mumbai  waxayna Bihar dhaheen masii wadi karno kiiskan hadii aan nalaga qabanin Mumbai dhanka kale Disha hooyaded waxay sheegtay in shaqo isku laheen geerida gabadheeda iyo mida Sushant.

Saas eetahay wey u fasaxday inee booliska Bihar dib u baaraan gabadhaan kiiskeeda haderna howsha wey ku guda jiraa balse reer Mumbai ayaa fashil weyn dhexda kaga jiraan dad weynihii oodhana wey ku kaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here