Wali waxaa socdo kiiska Sushant Singh Rajput balse CBI-dii lagu kalsoonaa inee deg deg cadeyn ku heli doonaan uma muuqdaan inee dhanka dilka wax cadeyn ah ka heli karaan waayo kiiska labo dhinac ayee ka baareyeen oo kala ah in la dilay ama inuu is dilay.

Hader dhinaca ah in la dilay wey soo gaba gabeyn rabaan waxayna guda galayaan dhinaca inuu is dilay iyo sababtuu isku dilay hadaba 4-qof ayee CBI xafiiskooda ugu yeereyn maalmo kahor waana Sushant saaxiibkiis iyo shaqaalihiisa.

Waa afar qof ay CBI kaga shakisay inee kiiskan wax ka ogyihiin hadii Sushant is dilay ama ladilayba hadaba waxyaabihihii ay ka sheekeyeen afartaan qof oo kooban hoos kaga bogo.

1-Sushant maalinkuu dhimanaayey hal maalin kahor (13-june) subaxi markuu soo kacay koob biyo ayuu cabay shaqaalihiisa ayuu waqti la qaatay howsha guriga ayuu wax ka weydiiyay deg deg ayuuna qolkiisa ugu noqday.

2-Habeenkii marka la gaaray wax casho ah ma uusan cunin wuuna diiday sidaas ayuuna ku seexday subaxii markuu soo kacayna quraac oodhan wuu diiday hal koob oo cabitaanka juuska loo yaqaano inuu cabay mooyee.

3-Barqinkii ama duhur kudhow ayee shaqaalihiisa albaabka ku garaaceen si ay u weydiyaan khadada nooca uu rabo in loo bisleeyo maadama uu quraac diiday balse albaabka wax ka furo ayee waayeen horeyna uma dhicin in Sushant albaabka xirto marka Rhea qolkiisa kula jirtay mooyee sida shaqaalaha sheegen.

4-Saaxiibkiis Sandeep oo dhismaha dhinac kala degenaa ayee usheegen waxuuna kamid yahay afarta qof CBI-da qisadan oga sheekeynayaan kadibna Sandeep ayaa telefanka ka wacay Sushant balse wax qabanaayo malahan kadibna waxuu waccay Sushant walaashiis oo Mumbai kusugneed ama magaalka la joogtay waxayna tiri deg deg ayaan ku imaanaya ee idinka albaabka sii jabiya.

5-Sandeep waxuu u wacay ninka furayaasha sameeyay markuu yimidna ninka waxuu sheegay in albaabka aan la furi karin balse xeelad lagu jabin karo oo aan xoog ahen kadibna ninkii albaabka xeeladiisa farsamo ayuu ku jabiyay kuna furay lacag dhan Rs 2,000 ayuu ku qaatay mana uusan ogeyn guriga Sushant inuuahaa durbana meesha wuu kaso tagay.

6-Sandeep iyo shaqaalihii guriga markee qolka galeen waxay arkeen Sushant oo xarigmarwaaxada kuxiran ka raaraco misane meed ah Sandeep ayaa xariga mindi kujaray kadibna meedka markuu sariirta ku dul dhacay ayuu Sandeep naf ka raadiyay meedka isagoo xabadka ka riix riixay balse xili hore ayuuba dhintay.

7-Sushant walaashiis markee timid qeylo, oohin iyo naxdin ayee isku dartay waxaana deg deg ku imaadeen booliska iyo ambalaasta meedka Sushant qaadi laheed.

Qaabkaas ayee afarta nin kaga sheekeyeen sidee wax udhaceen CBI ayaa sheegtay in afartooda wax ka ogyihiin kiiska balse qarinayaan ama in la dilay ayee ogyihiin oo wey cabsanayaan ama haduu isaga is dilayna waxay og yihiin sababtuu isku dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here