Meel xasaasi ah ayuu marayaa kiiska Sushant oo ay markii hore soo amba qaadeen booliska Mumbai kuwaaso mudo labo bil kudhowaad soo wadeen natiijo rasmi ahna kama aysan soo saarin aan ka aheyn isagaa is dilay.

Markii dambe waxaa la wareegeen booliska Bihar oo iyagu aaminsanaa in Sushant la dilay la wareegidoodana waxaa sababtay kadib markii qoyska Sushant ku dacwoodeen in Rhea sabab u tahay geerida wiilkooda hadaba Bihar waxyaabo badan ayee ogaadeen intee Mumbai kusugnaayeen.

Hader waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in kiiskan gabi ahaanba loo gudbiyay waaxda dambi baarista ugu sareysa dalka ee CBI waxaana arinkaas go’aamisay maxkamada dhexe kadib siyaasiin, jilayaal badan iyo shacabka badankiisa oo mudo dheer arinkaa dalbanayeen waxaana la aaminsanyahay in CBI cadaalad usoo saari karaan Sushant iyo xaqiiqaada jirto.

Maxkamada sare ayaa saxiixday hader in CBI loo gudbiyo howshana isla maanta inee bilaaweyn ayaaba la filaa dhanka kale wararka soo baxayaan waxay sheegayaan in la baaray taleefanka Sushant waxaana la ogaaday in isaga iyo Rhea aysan wada hadlin mudo todobaad kudhow laga soo bilaawo 8-june ee ay geeriyootay gacan yarihii Sushant ee Disha ilaa 14-june geeridiisa.

1 COMMENT

  1. Mid kale ayaa isdilay oo ladhaho Sameer Sharma isna oo tv octros ah xarig ayuu isku dilay dadki nagative ka ahaa durba waxay bilaabeen sushan singh rajput dartiisa loo dilay ee ismuu dilin kkkkkkkkk Ali Aadawarka ka soo sheeke waan yaabanahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here