Atiriishada Rhea Chakraborty ayaa booliska ka dalbatay inee amaankeeda sugaan maadama nafsadeeda halis kujirto sida ay sheegtay iyada waxaana loogu hanjabay in la dili doono.

Rhea ayaa maalin walba la kulanto ama loo soo diraa fariimo naceeb ah oo waxaa la leeyahay waan ku dileynaa waxaa ku kacsan taageerayaasha Sushant Singh Rajput iyagoo naceebkan u muujiyeen maalintii qoyska Sushant soo dacweeyay atiriishadan.

Rhea markii hore waxaa lagu dacweeyay inee lacag kala baxday koontada Sushant markii dambena inee maskax ahaan bedeshay Sushant sido kale daroogo ayaa lagu eedeyay atiriishadan iyo inee xiriir la laheed Mahesh Bhatt.

Rhea kaligeed laguma kicin sido kale aabahed isagana halis ayuu kujiraa maadama uu ahaa shaqsiga kasoo horjeeday xiriirka Rhea iyo Sushant sido kale qoyska atiriishada iyo shaqaalaheeda oodhan ayaa farta lagu fiiqayinee kiiskani kujiraan.

Sikastee ahaatabaha wax cadeyn cad ah laguma haayo hader Rhea in amaakeeda lasugo ayee dalbtay maadama loogu hanjabay in la dilaayo iyo booliska Mumbai oo looga fadhiyo inee qaadaan masuuliyada ilaalinta Rhea iyo qoyskeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here