Kiiska Sushant ayaa si heer sare ah kusocdo maadama CBI lagu wareejiyay waxaadna moodaa dadka intiisa badan in niyada udhisantahay hader waayo waxay ku kalsoonaayeen in CBI loo wareejiyo kiiskan waana loo wareejiyay ugu dambeyn waxaana la sugayaa waxay soo saaraan hadaba macluumaadkii udambeyay hoos kaga bogo kiiskan:

Markee CBI aqbaleen la wareegida kiiskan kadib waxay diiwaangashteen dacwada kaga timid Rhea, qoyskeeda iyo 6-qof kale si ay kiiska usii amba qaadaana waxay qorsheyeen inee baaraan dadkaas lasoo dacweeyay dhamaan waxaana loo xilsaaray koox balaayo ah oo si weyn ugu tabobaran howlan oo kale.

Dadka lasoo dacweeyay waxaa kamid ah Rhea Chakraborty, Aabahed Indrajit Chakraborty, hooyaded Sandhya Chakraborty, Walaalked Showik Chakraborty, Sushant gacanyarihiisa guriga oo labo qof ka kooban Samuel Miranda, Shruti Modi iyo shaqsiyaad kale oo magacyadooda la sheegin.

Dhamaan dadkaan ayaa lagu heystaa kiisas kala duwan sida inee qiyaameyeen Sushant, hantidiisa dhaceen, geeridiisa sabab u yihiin iyo in xitaa ay macquul tahay inee iyaga dileen sidaas aawged CBI ayaa mid mid dadkaan u baari doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here