Kadib markii mudo sedex bilood ah uu xabsi ku jiray Showik Chakraborty oo la dhashay atirishada Rhea Chakraborty waxaa lagu soo daayay damaanad shalay oo Arbaco ahayd. Showik waxaa xabsi dhigeen qolyaha ka hortaga iyo daroogada Hindiya qaabilsan NDPS 4-tii September 2020 waxaana lagu helay inuu daroogada ka ganacsado.

Atoorihii geeriyooday Sushant Singh Rajput waxay saaxiibo ahaayeen Rhea Chakraborty oo dilkiisii lagu eedeeyay inta uu baaritaan socday ayaa Rhea iyo walaalkeed Showik xabsiga la dhigay markii lagu helay ka ganacsiga daroogada inay ku lug leeyihiin waxayna Rhea xirneyd mudo bil ah kadib waa lasoo daayay halka walaalkeed Showik isagana sedex bilood kadib damaanad lagu soo daayay, laakiin labadan walaalaha ah waa lagu waayay inay ka dambeeyeen dilkii Sushant waxaana baaritaanka lagu soo gaba gabeeyay in Sushant isaga is dilay 14-kii June 2020 inkastoo dad badan weli arinkaas ku qancin.

Dhinaca kale Sushant Singh Rajput-kii geeriyooday qoyskiisa waxay maxkamada ku wargaliyeen inaysan waxba ka galin arimaha la xariiro kiiska daroogada ee Rhea iyo walaalkeed lagu helay kadibna damaanad lagu soo daayay balse ay cadaalad u baahan yihiin sidoo kalena aaminsan yihiin dhimasahdii wiilkooda labadan dambiile inay ku lug leeyihiin madaama ay yihiin labo qof oo daroogada ka ganacsigeeda iyo adeegsigeeda ku cadaadatay sidoo kalena dad noocaas ah waxba laga filan karo inay sameeyaan sidoo kalena qoyska Sushant waxay dalbadeen in Rhea iyo walaalkeed Showik bulshada lagu dhex deynin oo xabsiga lagu soo celiyo baaritaankana lasii wado.

Ugu dambeyntii CBI-da Hindiya oo kiiskan gacanta ku hayaan waxay qof walbo ka dalbadeen inaysan faafin warar aan xaqiiqo ahayn xaqiiqadana tahay baaritaanka ay sameeyeen gudiga caafimaadka ee CBI-da soo xulatay waxayna gudigaas labo bil ka hor soo saareen warbixin ay ku sheegeen in Sushant is dilay sidoo kalena warbixintan waxaa lagu wareejiyay CBI-da balse weli si rasmi ah saxaafada ma aysan ula wadaagin waxaana la sugaa xiliga CBI-da warbixintan dhameestiran bulshada la wadaagi doonto si kiiskan gabi ahaanba loo soo gaba gabeeyo balse haatan waxaa muuqato in si dabiici ah kiiskan usoo idlaaday oo dhawaanahan hadal heyntiisa iska yaraatay marba haddii qolyaha caafimaadka dhaheen Sushant isaga is dilay ee cidna ma dilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here