Kiiska Ugaarta Deerta: Saif Ali Khan, Sonali Bendra Iyo Tabu Oo Baxar Kujiraan Wax Cafis Ah Majiro Dhibka Waa Soo Batay!!

Kiiskan ugaarta deerta ah waa mid soo jireen ah oo aan wali dhamaad laheen waxuuna socdaa mudo 20 sano isagoo soo bilawday sanadkii 1998 xili la duubayey filmka Hum Saathi Saathi Hain.

Waxaa la isku heystaa in Salman Khan toogasho ku dilay ugaarta nooca deerta loo yaqaan ee dunida kasii dhamaaneysa waqtigaan dadka hinduda qaarna ay caabuudaan ugaartaas diin ahaan ugu xiranyihiin.

Hadaba 5 April sanadkaan 2018 maxkamada Jodhpur waxay isugu wacday dhamaan eedesanayaasha kiiskan Salman oo ugaarta dilay halka Saif Ali Khan, Sonali Bendre, Tabu iyo waliba Neelam Kothari lagu heysto inee ku dhiiro galiyeen jilaagan inuu toogto ugaarta.

Marka Salman laga reebo jilayaasaha kale oo dhan maxkamada wey fasaxday wax dambi ahna wey ku weysay kadib markee mudo dheer doodayeen kiiskan suu u bilawday marwalba ayee maxkamada xaadiri jireen balse Salman 5 sano o xarig ah aaya 5 April 2018 lagu xukumay.

Mudo 2 maalmod ah ayuu jilaagan xabsiga Jaidpur kujiray sanadkaan inkastoo markii dambe damaanad lagu soo daayey dacwada dib ayaa loo furay hader balse arinta naxdinta leh ayaa ah in Saif, Neelam, Sonali iyo Tabu dib maxkamada u qabsatay oo la sheegay in maxkamada la laabatay fasaxii ay fasaxday jilayaashan waxayna tilmaamtay maxkamada in dambiilayaal yihiin.

Sonali New York ayee kusugantahay oo ay Kansar kula dagaalameysa halka jilaayasha kale dhamaan qof walba shaqadiisa gaarka ah ku mashquulsanyahay sheekada awal Salman kaliyee ahed hader baxarka waa la iskula jiraa waxan sugnaaba waa maxkamada iyo waxa ay kiiskan soo jireenka ah kasoo saarto.

Goordhow ayaa shaaca laga qaadi doona xiliga rasmiga ah ee ay jilayaashan guud ahaan soo xaadiri doonan maxkamada taageerayaasha xidigahan murug horleh ayaa soo fuushay marba hadee maxkamada sheegtay in wali lagu dhagan yahay dhamaan Salman iyo jilayaasha kale..

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*