Paulo Coelho oo ka mid ah curiyeyaasha ugu caansan adduunka ayaa wuxuu ammaan kala duldhacay Superstar Shah Rukh Khan, wuxuuna tilmaamay inuu u qalmay in abaalmarinta ugu sarreysa ee Academy Award Oscars lagu siiyo bandhig jilliinkiisii filimka My Name is Khan.

Paulo Coelho ayaase xusuustay inaan abaalmaritaan Oscar la siinin xiddigaha ka xamaasha Bollywood inta badan iyadoo keliya loo eexdo jillaayaasha caalamiga ah ee Hollywood.

71 sanno jirkaan u dhashay dalka Brazil ayaa farriintaan uu kusoo qoray akoonkiisa Twitter ku ammaanay jillaaga la jecel yahay ee Bollywood iyadoo daawashada filimkaan kasoo wareegatay markii uu filimkaan sameeyey Director Karan Johar mudo 9 sano ah.

Shah Rukh Khan ayaa uga mahadceliyey Paulo Coelho ammaanta ballaaran ee uu usoo jeediyey wuxuuna tilmaamay inuu qorsheyaanyo inuu dhawaan la kulmo. Halka Karan Johar uu kaga mahadnaqay Coelho ammaanta uu filimkiisa usoo jeediyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here