Home » Nolosha Jilaayaasha » King Of Bollywood Shah Rukh Khan Maxuu Kayiri Is Qaraabeysiga Bollywoodka Kadhexjira!!

King Of Bollywood Shah Rukh Khan Maxuu Kayiri Is Qaraabeysiga Bollywoodka Kadhexjira!!

inbadan ayuu soo noqday barnaamijkaan is qaraabeysiga ah wuxuuna noqday waqti xaadirkaan mowduuca loogu hadal badanyahay shirkadaan.

hadaba King Khan ayaa arinkaan wax laga weydiyay balse wuu diiday inuu fikirkiisa ka dhiibto arinka ah is qaraabeysiga asigoo sheegayba gabi ahaanba in uusan fahmin barnaamijkaan waxa uu yahay.

“gabi ahaanba maba fahmin waxa uu yahay mowduucan is qaraabeysiga ah ee la hadal haayo, maxayse tahay waxa aan u fahmaayo waayo aniga waxaan ahay wiil kasoo jeeday reer Delhi waxaan imid Mumbai anigoo 25 jir ah, dadkoo dhan wey ijeclaadeyn weyna i aqbaleyn waana mida aan heerka ku gaaray maanta.”

” Sidaa darted maba fahmin ba hadalka is qaraabeysiga ah ee aad wadaan, aniga ahaan caruurteyda Aryan, Suhana, Abraham iyo waliba xaaskeyag Gauri waxaan raba intaba inee isticmaalan magacooda oo ay hormar kugaaran marnaba ma doonayo in aniga aan caawiyo ee ayaga inee meel iska soo bixiyaan ayaa rabaa mustaqbalkooda dambe.”

SRK ayaa sidaa yiri kuna yiri wargeyska IANS, xidigaan wuxuu cadeyay in asiga uusan fanka kusoo galin wax is qaraabeysi ah oo uu dadaalkiisa sidaan maanta kusoo gaaray iyo jaceyl oo uu dad weynaha caalamka ka keensaday.

dhanka shaqada King Khan filimkiisa xiga waa filimka Anand L Rai iska leeyahay ee uu SRK ninka gaaban ku matali doono waxaana la sheegay inuu laba door ama labo waji ku jili doono filimkaan waxaana la hogaamin doonaan Anushka Sharma iyo Katrina Kaif.