Kivanc Tatlitug oo qufac iyo qandho iska dareemay asigoona booqday isbitaalka iskana baaray Corona maxay noqotay natiijada?

0
2547

Jilaaga caanka ee reer Turkey Kibanv Tatlitug ayaa booqday isbitaalka kadib markii uu ka sheegtay qandho iyo qufac joogto ah waana labo arimood oo kamid ah astaamaha Corona Virus sidaas darteed ayuu baaris isku sameeyay.

Kivanc oo kamid ah jilayaasha ugu caansan Turkiga ayaa kadib calaamadahaas markuu isku arkay booqasho dag dag ah ku tagay isbitaalka wuxuuna iska baaray Caabuqa Corona Virus ee Covid19 balse natiijada baarista ayaa noqotay in laga waayo wax Corona ah.

Dhakhaatiirta ayaa Kivanc u sheegeen in natiijada baarista ay tahay inuusan qaadin viruska Corona balse burukiito ay ku dhacday taasoona keentay qufaca iyo qandhada xaaladiisa caafimaadna ay wanaagsantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here