Klopp oo ka hadlay hadii uu xidigaha keydka uu galinaayo iyo kuwa uu safaayo kala tashto arinka iyo qaabka uu shaxdiisa u doorto.

0
447

Macalinka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay qaabka uu shaxdiisa u doorto iyo hadii uu xidigaha kooxda kala tashto iyo in kale.

Klopp ayaa yiri; “aniga lama sheekeysto mana weydiiyo laacibiinteyda arimahaas, shaxda waxaan u habeeyaa sidaan aniga rabo, waxaan heysanaa 16 cayaartoy oo diyaar ah kaliya hadii uu midkoodna ka  xanaaqsanyahay in shaxda uusan qeyb ka aheyn ma jirto waxaan ka caawin karo”.

Klopp oo ka hadlaayay qaabka uu shaxda u doorto ayaa yiri; “aniga ahaan ilama ahan arin dhib badan, kaliya go’aanka (xidiga dheelaayo) ayaan qaataa lama hadlin Mane iyo Origi kahor inta aanan kusoo bilaabin kulankii Bournemouth sidoo kalana lama hadlin Salah iyo Firmin iyo Henderson kahor kulanka iyo kadiba”.

Macalin Jurgen Klopp ayaa carabka ku adkeeyay in xidigihiisa uusan marnaba kala hadlin shaxda uu kusoo galaayo iyo qofki keydka gali doonaba.

Intaas kadib Klopp ayaa amaanay xidigihiisa asigoona yiri; “waxaan heystaa koox cayaartooy caqli badan, waxay fiiriyaan igagu jadwalka oo ay ka arkaan (cida safaneyso)”.

Waxaa xusid mudan in Mane iyo Origi uu kusoo bilaabay macalin Klopp kulankii Everton asigoona keydka galiyay kulankii Bournemouth taas badalkeedana wuxuu kusoo bilaabay Salah iyo Firmino oo keyd ahaa kulankii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here