Kooxda Arsenal oo war kasoo saartay weerarkii uu Ozil ku qaaday saxaafada reer Galbeedka iyo hadaladii uu ka yiri dhibaatooyinka lagu haayo muslimiinta China.

0
1206

Kooxda kubadda cagta Arsena ayaa war saxaafadeed kasoo saartay qoraal uu laacibka kooxdaasi iyo qaranka Germany balse asal ahaan kasoo jeedo wadanka Turkiga ee Mesut Ozil soo dhigay bartiisa Twitterka.

Ozil ayaa weerar ku qaaday saxaafada reer galbeedka asigoona sheegay inay iska indho tirayaan taxadiga lagu haayo muslimiinta laga tiro badanyahay ee China sidoo kalana wuxuu dhaliilay muslimiinta aduunka oo uu ku tilmaamay kuwa tacadigaas ka aamusan aamusnaantaasna ay tahay dulmi maadaama dulmi laga aamuso ay dulmi kale tahay.

Qoraalka Ozil ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyay waxaana ugu dambeyn ka hadashay kooxdiisa Arsenal ayagoo bayaan ay soo saareen sidaan ku sheegay;

“Qoraalkii uu Ozil soo dhigay bartiisa bulshada darteed Arsenal waxay soo saartay bayaankaan ah in fariinta uu xambaarsanyahay qoraalka Ozil ay tahay mid asiga u gaar ah oo fikirkiisa uun tahay Arsenaalna koox ahaan waxay ku dhagantahay mabda’eeda ah ineysan wax siyaasad ka hadlin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here