Kooxda filimka Dabangg3 maxaa ka qaldan iyo filimkaan oo markale tikidkiisa hormariska dib loo dhigay.

0
692

Sida aan warbixinteenii shalay iyo saakay idiin kuugu soo gudbinay filimka Dabangg3 kooxda masuulka ka ah khalad ayay ku dhaceen kaasoo ah in iibsashada tikidkiisa hormariska dib u dhigeen ilaa maanta oo arbaco ah xili lagu waday in la bilaabo maalintii axadii lasoo dhaafay.

Hadana waxaa maanta soo baxayo in aan wali la bilaabin iibsashada tikidka Dabangg3 isla markaasna markale dib loo dhigay asigoo la bilaabi doono caawi fiidkii xiliga India.

Lama yaqaano waxa ka qaldan kooxda filimkaan masuulka ka ah iyo sababta ay ugu cayaarayaan filim sidaan u weyn ahna filimka ugu weyn sanadkaan 2019ka waxayna aheyd in filimkaan tikidkiisa hormarisya saacaan la dhameysto balse midaas ma aysan dhicin.

Ilaa iyo haatan cid si rasmi uga hadashay ma jirto caqabada hor taagan kooxda filimkaan iyo sababta aanan wali tikidkiisa horamriska suuqa loo keenin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here