Kooxda Hercai oo war rasmi ah kasoo saareen hadii taxanaha la joojinaayo kadib markii hoos udhac weyn la kulmay taxanaha!!

0
1281

Sidaan wada ognahay taxanaha Hercai dib ayuu u bilaawday mudo kadib waliba isagoo Season 3 ah waxaana markii hore loo joojiyay caabuqa Corona oo si weyn ugu faafay bishii maarso dalka turkiga.

Hadaba kooxda 18-September ayee si rasmi ah u bilaaweyn taxanahan waliba qeybta 39-aad ayaa lasoo bandhigay balse daawadayaasha gudaha turkiga sifiican umasoo dhaweyn taxanahan markii Tv-yada la saaray oo xalqadaas Rating ahaan 3.97 wey dhaafi weysay kaalinta 14-aad ayeena gashay.

Balse waxaa la islahaa xalqada 40-aad ayee sare ukacee hadana weyba ka dartay oo isbuucii labaad xalqadan Rating ahaan waxay tagtay 3.80 iyadoo kaalinta 7-aad ka gashay taxanayaaasha loogu daawasho batnaaa gudaha turkiga waxaana la filaayey Rating-ka 7 ama 8 inuu gaaro.

Warar xan ah ayaa jireen maalmihii udambeeyay oo sheegayeen in la joojin doono guud ahaan taxanaha maadama qasaaro iyo hoos udhac kooxda la kulmeyso balse gabadha qarash gareyso taxanaha Banu akdeniz iyo shirkadeeda ayaa war rasmi ah soo saareen waxayna dhaheen.

“Daawadayaasheena qaaliga ah ee sida joogtada ah ugu xiran taxanaha Hercai waxaan ogeysiineena in aan marnaba la joojin doonin taxanahan xitaa hadii aan qasaaro walba la kulmeyno sababto ah waxaa nagu filan jaceylka inta sida tooska ah noogu xiran inta na diidayna iyaga iyo yeelkooda”

“Wali waxaa dhiman inaan wax badan ka hadalno soona bandhigno sida noloshii hore ee Caziiza iyo Nasuh, jaceylkii Hazar iyo Dilshaah oo aan muujineyno kana sheekeyneyno, in la arko Miran iyo Reyan gabadha ay dhali doonaan iyo siro badan oo harsan marka macquul ma ahan inaan joojino anagoo sheekoyin badan inaan sharaxno inoo harsan.”

“Waxaa dhiman in la ciqaabo dhamaan kuwii xumaha sameyeen (sida Caziiza, Nasuh, Yaren iyo kuwa kale) marka taxanaha kow ma joogo wax badan baa dhiman ee haku kadsoomina wararka been abuurka ah ee lagu leeyahay waa la joojinaa Hercai”

Warkaan markuu soo baxay dad badan oo shalay Hercai diidana ayaa maanta soo jeclaadeen waayo taxanahan waxuu ahaa kii ugu weynaa 2019 balse sanadkaan waa la iska diiday waxaana la sheegay in sheekooyin kale jiraan iyo sabab gaar ah oo loo diiday sida ku xumeen iyo dad kale inee ka dambeyaan si kastee ahaataba kooxda waxay udhabar adeegayaan jabka kudhacay si ay u qanciyaan inta yar ee taxanaha lasocoto.

Marka laga soo tago gudaha turkiga, daafaha caalamka ayaa si weyn looga jecel yahay taxanaha waxaana la filaa sanadkaan inuu guul weyn ka gaari doono daafaha caalamka sida Somalia oo si weyn loo soo dhaweeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here